Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

hgfbvnm.

Thursday - December 27, 2012

Dawladda Liibiya oo amar ku bixisay in la toogto Tahriibayaasha dalkeeda soo galaya iyo kuwa ka baxayaba

Dowlada Liibiya ayaa amar adag kusiisay ciidamada ilaalada Xuduudaha Dalkaasi in nolosha laga toogto Tahriibayasaha Dalkaasi soo galaya hadii ay arkaaan iyo waliba kuwa kasii baxaya Dalkaasi.

Mudooyinkii damb e ayaa dalka Liibiya waxaa gaarayay Thariibnayaal aad u fara badan oo Soomaali u badan kuwaa oo ka galayay dalkaasi Xadka Sudan ay lawadaagto Liibiya iyagoona markii ay gaaraana Liibiya uga sii gudbayay dhinaca Badda Wadamada Yurub gaar ahaan Talyaaniga.

Dowlada Liibiya ayaan ka dhawaajisay in gabi ahaan ay xirtay Xuduudaha ay Dalkeeda la wadaagto Sudan iyo Dalal kale oo Afrikaan ah iyadoona Ciidamada amar buuxa kusiisay Tahriibayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa kale ay arkaan iyaga oo xadka kasoo gudbaya ama ka baxaya in ay toogtaan .

Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya ayaa ka hadlay go’aano adag oo kasoo baxay Dowladda dalka Liibiya kaasi oo ku qotoma tahbriibka.

Ambasdor C/qani Maxamed Waceys safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in maamulka KMG ee dalka Liibiya ay go’aan ka gaareen Soomaalida tahriibka u taga dalkaasi
bghf