Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Dawladihi Ka Horeeyey Bakhti Iyo Faashiliin Ku Tilmaamay

Tuesday - December 25, 2012

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa weeraray dowladihii KMG ahaa ee ka horeeyay, oo uu ku eedeeyay wax qabad la’aan.

Isaga oo la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa madaxweynaha waxa uu sheegay in markii uu la wareegay talada dalka iyo xafiiska madaxtooyada aysan jirin wax diyaarsanaa oo dowladdiisa ay meel eber ah wax ka billowday.

Waxa uu si gaar ah u xusay dhinaca tacliinta iyo caafimaadka oo dowladihii ka horeeyay uu yiri "Wax ay ka qabteen ma jirto"

" Ma jiro iskuul ama goob caafimaad oo Dowladdii KMG ahayd ay hir gelisay si ay uga faa’iideystaan dadka aan waxba heysan, waana taas sababta 75% carruurta Soomaaliyeed ay u yihiin tacliin la’aan, kuwa badanna ay ugu geeriyoonayaan caafimaad darro”.

Tacliin la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed heysta ayuu sheegay inay tahay qeyb weyn oo ka mid sababaha ay in badan oo ayaga ka mid ah ay ugu biireen Al-Shabab.

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa sidoo kale carrabaabay ineysan hore u jirin Xeryo rasmi ah oo ay leeyihiin ciidamada qalabaka sida taasine ay sababtay in askartii dowladu ay kusoo foofaan Suuqyada Magaalooyinka Dalka, Wuxuuna halkaa ka sheegay madaxweynu iney wadaan Dhismaha 3 xero oo ay ku xaroodaan ciidamada Dowlada kuwa aan shaqada ku jirin.

Waxa uu ballan qaaday in Dowladdiisa ay iminka ku howlan tahay wax ka qabashada arrimaha uu xusay mar dhowna la arki doono isbeddel weyn.