Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Urur Siyaasadeed La Magac Baxay Gaheyr Oo Looga Dhawaaqay Caasimada Puntland

Sunday - December 23, 2012

Garoowe: pp - Urur siyaasadeedkii 5-aad ayaa looga dhawaaqay Caasimada Puntland ee Garoowe, urur siyaasadeedkaas oo guddoomiye kumeel-gaar ah loogu magacaabay C/risaaq xasan Darwiish .

Guddoomiyaha Ururkaan ayaa ka sheekeeyey Xaaladihii ay Puntland soo martay & Sababaha loo aasaasay Puntland , isagoo sheegay in Daruufaha loo aasaasay Puntland ay ahayd markii Caasimadii Soomaaliya laga dhaqaajin waayey hogaamiye kooxeed asal u noqdeeen  in la dhisan waayo  dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, taasna oo sababtay  markii danbe in ay samaystaan dowlad ku meel gaar ah oo loogu magac daray Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta Puntland ay marayso in loo gudbo Ururo siyaasadeed lagana hirgeliyo  Puntland , taas iyagoo ka duulaya ay sameeyeen Urur siyaasadeedkan lagu magacaabo Gahayr oo u taagan (Gollaha Aqoonta iyo Horrumarinta ee Aasaaska Yoolka Runta ah)

Guddoomiyaha ururkaan ayaa xusay in mardhow ururka Gahayr uu samayn doono Shir lagu soo dooranayo Guddoomiyihii rasmiga ahaa ee Ururka Gahayr , kaddibna ay Guddiga doorashada ay horgeyn doonaan si loo ansaxiyo.

Darwiish wuxuu sheegay in gobolada dalka ay ka furan doonaan Xafiisyo, kaddibna ay ku rajo weyn yihiin inay tartanka ka qayb qaataan. Darwiish ayaa sheegay in Ururkan uu Xafiiska ugu weyn ay ku furi doonaan magaalada Gaalkacyo, laakiin hadda magaalada garoowe oo caasimada Puntland ay kaga dhawaaqeen.

Astaantiisu Ururka ayuu ku sheegay Guddoomiyaha kumeel-gaarka ahi inay tahay Qalin, Buug & Shamac ,  wuxuuna ururkaasi midayn doonaa dadka aqoonyahanka ah ayuu sheegay Darwiish.

Ururada illaa hadda looga dhawaaqay Puntland ayaa kala ah Hordeed, UGUB, Horcad,Midnimo, iyo Gahayr.

Sikastaba, waa Ururkii 5- aad ee ka hirgala Puntland isla markaasna cadeeyey in dastuurka Puntland uu u ogolaanayo inay ka qayb qaataan doorashada siyaasadeed ee Puntland.

Punrlandpost.com