Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Dawlada Cusub Ee Koonfurta Sudan Oo Dalkeeda Ka Masaafurineysa Somaalida Haysata Baasaboorka S/land

Saturday - December 22, 2012

Juba (Jam)- Dawladda cusub ee Koonfurta Sudan, ayaa dalkeeda ka masaafurinaysa dadka haysta baasaboorka Somaliland, kadib markii ay soo saartay sharci sheegaya in dadka ajaanibka ah ee ku sugan dalkeedu iska diiwaangeliyaan xafiiska laanta socdaalka ee dalkaas, iyadoo maamulka Somaliland dhinacooda caddaysay inay dawladda Koonfurta Suudaan la bilawday wadahadalo la xiriira tabashooyinka muwaadiniinta Somaliland ee dalkaas ku dhaqan.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Koonfurta Suudaan, ayaa sheegay inay soo waajahayso cabsi la xiriirta in wadankaas laga mustaafuriyo haddii aanay qaadan baasaboorka Soomaaliya, arrintaas oo ay tilmaameen inay saamayn ku yeelatay shaqada iyo nolosha dadka haysta baasaaboorka Somaliland, iyagoo xusay in safaarada Soomaaliya ee Koonfurta Suudaan ay u sheegtay dawladda xarunteedu tahay magaalada Juba in aan wax diiwaangelin ah loo samayn, isla markaa ogolaanshaha dal ku noolaanshaha la siin qofkii sida baasaaboor aan ka Soomaaliya ahayn.

Muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdifataax Cali Cilmi oo magac dheer (Buush) oo ku sugan magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan, ayaa Araweelonews.com xalay khadka telefoonka ugu sheegay in markii dadka reer Somaliland ay diideen inay qaataan baasaaboorka Soomaaliya qaarkood xabsiga loo taxaabay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yiri, "Waxa dadka ku diray dawladda Koonfurta Suudaan waa safaarada Soomaaliya oo degan xafiiska socdaalka Jubba, kuwaas oo doonaya in la daadiyo baasaboorka Somaliland, mana jirto safaarad iyo xafiis ay Somaliland ku leedahay halkan oo aanu u dacwoonaa, markaa waxaanu ugu baaqaynaa dawladda Somaliland inay arrintaa soo fara geliso," isagoo intaas ku daray arrintaa loo xiray muwaadin u dhashay Somaliland oo gacansade ahaa oo magaciisu yahay Axmed Cali Cigaal oo dawladda Koonfurta Suudaan u qorshaysay inay dalkeeda ka mustaafuriso. WasiirkaDr. Maxamed Cabdillaahi Cumar a.dibada oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xariiray xalay si arrintan wax looga weydiiyo, waxa uu sheegay inuu ka warhelay cabashada muwaadiniinta reer Somaliland, isla markaana ay isla galinkii dambe ee shalayba arrimahaas xiriirka kala bilaabeen dawladda Koonfurta Suudaan. “Waxaannu galabta (shalay galab) bilawnay xidhiidh aanu la yeelanayno dawladda Koonfurta Suudaan oo aanu kala hadlayno qadiyada ay ka soo warameen shaqsiyaad muwaadiniin ah oo reer Somaliland ahi, horena mawqifa dawladda Koonfurta Suudaan waxa uu ahaa in baasaaboorka Somaliland dalkeeda lagu galo oo ay fiisana ku bixiso, bal marmaas waxaannu dawladda Koonfurta Suudaan waydiinaynaa inay arrimahaas wax iska beddeleen. Nalamana aha in qorshahaasi yahay mid ka socda xagga Soomaaliya, balse haddii wax iska beddeleen waa mid ku kooban dhinaca dawladda Koonfurta Suudaan, safaaradina kuma qasbi karto inay sidaas yeela yidhaahdaan. Markaa arrimahaas waxaannu xidhiidh kala bilawnay dawladda Koonfurta Suudaan, wixii ka soo baxana waanu idinla socod siin doonaa,” ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Waxa wasiirka khaarajigu baaq u jeediyey jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Koonfurta Suudaan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Koonfurta Suudaan, waxaan u sheegayaa in dawladu Somaliland ku daba jirto