Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

Shandado Iyo Shaarar Xabadaha Celiya Oo Loo Sameeyey Caruurta Mareykanka

Friday - December 21, 2012

Connecticut- Shandadaha caruurtu buugaagta ku qaataan oo xabadaha celiya iyo shaarar xabada celiya ayey soo saareen qaar ka tirsan shirkadaha sameeya, ka dib markii dhowaan nin ku laayey dad gaarayey labaataneeyo caruur u badan dalka Maraykanka.
Shirkada la yiraahdo Salt Lake City, oo ka mid ah kuwa sameeyey qalabkan ayaa lagu dhaleceeeyey inay faa’iido ka raadinayaan xaalada kacsan ee waalidiinta ka dib dhimashadii 26 qof oo 23 caruur ahaayeen. 
Shirkadan ayaa wakhtigan dhiirigelinaysa iibsiga shandadadahaa oo qiimahoodu gaadhayo  $300 dollar, iyo weliba shaarar caruurta le’eg oo xabadaha ka celiya, isla markaana sheegay inay iibiyeen usbuuc gudihii tiro ay saddex bilood gudahood iibin jireen.
Sida shirkadaasi cadeysay shandadahan ayaa awooda joojinta xabadaha qoryaha, sidoo kalena qabood loo adeegsan karo. Dhab ahaan, saddex nooc ayey ka kooban yihiin.
Shirkadahan sameeya aaladaha celiya xabadaha aya asidoo kale sheegay inay diyaariyeen dahaar xabadaha celiya oo shandad kasta la dhexgelin karo, laakiin loo diyaargaroobo kharashgareynta lacago kale, maadaama, caruurtu si fudud u lumin karaan. 'Caruurta, weligaa ma ogid xilliga ay dibedda uga saari karaan dahaarkaa, iyagoo aan dib ugu celin.”
Shirkada la yiraahdo Salt Lake City, oo ka mid ah kuwa sameeyey qalabkan ayaa lagu dhaleceeeyey inay faa’iido ka raadinayaan xaalada kacsan ee waalidiinta ka dib dhimashadii 26 qof oo 23 caruur ahaayeen.