Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 17 May 2024

M/weyne Xasan, Iyo R/W C/Faarax Oo Biyo Hoostood Iska Haraatinaaya Iyo W. Maaliyada Oo Loo Diiday...

Wednesday - December 19, 2012

Mogadisho: Inta hadal duulo, haad ma duusho .. hadal intu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay, laakiin haddu soo dhaafo dibnahaaga waxaad ogaata in aanu lahayn dabo la qabto .. Waxaa jira warar laga soo xiganaayo hawl-wadeenada madaxtooyada iyo Raiisal wasaaraha oo xaqiijinaaya in si xoog leh isu soo tarayaan warar sheegaya in madaxweyne Hasan Shiikh Maxamuud iyo R/wasaare C/faarax Shirdoon ay baryahaan dambe inkasto guudka laga wada socdo haddana si aan caadi ahayn bey ilkaha isugu cadeynayaan oo la isla gaadayo miciyo is galay, mid ay la go'i doontana todobaadyada soo socda lagama war qabo.

Warku waxuu tilmaamaya in madaxweyne Xasan Shiikh seefta galka kala baxay oo uu awoodi xukun ee dalka si bareer mutuxan dhinac walba si toosa iyo si dadbanba wax u marooqsaday, taaso keentay in mudaba R/wasare cabdi faarax ciil la harsan-waayo oo ay ku dhacday u qaadan-waa iyo dhafoorkiisa oo mar walba laga akhriyey nerfis dhidiid ka muuqdo

C/faarax oo markiisi hoore shacabku u qaatay Aar qoyey ayaa la sheegaya inu isagu markasta u ku dadaalayey sidi ay madaxweyne Xasan Shiikh isu fahmi lahaayeen tacadiga bareerka jirana u yareeyo amase kitaabka qumanaha qorta ugu jira ka baxo si mustaqbalka loogu gudbo horumar iyo wax qabad cadaaladana soo noqoto, laakiin Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku adkeeysanaaya oo leh ma jirto wax aan dhageysanaayo iyo amarkeyga ku socda iyo anigu waan ka dhaga la'ahay waxa la sheeg sheegaayo, bal caro iyo ciil darteed maad noqotaan dhadhaab iyo dhagax diixid aan dhola qosol cadeeye. ayaa shiikha laga sheegay

Dhinaca kale wasiirkii maaliyada ayaa isna agaasimihiisi guud amar ka diiday .. agaasimahaa oo madaxweynuhu soo magacaabay todobaadkaan horaantiisa, isagoo dalkaba jooga 20 cisho ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada dabadeed isagoo fulinaaya amarka madaxweynaha waxuu faafiyey wareegto u ku amraayo waax-yaaha wasaarada iyo banigiga in aan wax lacag ah bangiga laga bixi-karin illa amarka agaasimaha guud, taaso mashaqo hor leh ah cadeyneysa in wasiirka maaliyada loo diiday inu ceelka biyo ka dhaamiyo. 

Dhaqanki hore ee somaalida ayaa waxaa ku jiray maah maah oraneysa ' "Ninki warankaagu galo ayaa warkaagu gala.. taaso oo micneheedu yahay marka aad wax iska celiso ayaad nin tahay.

Waxaa warkii ugu dambeeyey oo na soo gaaray sheegaya in gudoomiyaha baarlamaanka  Maxamed Cismaan Jawaari  u soo saaray guddi labada dhinac ka kala socda oo ka kooban 16 xubnood

soo xulay guddi ka kooban 16 qof oo labada dhinac ka kala socda si bal ay u eegaan cabshada ka timi 4aiisal wasaare cabdi faarax oo dacwada lidiga ku ah madaxweynaha ku soo horeeyey. 

Arinta iyo xaalada socota koleyba dhinac bey u dhicin oo sida socota la isu saaraan-maayo, sidaa darteed ma daama madaxweyne Xasan Shiikh u hayo saarkii awood marooqsiga iyo jubada hoose waxaan maanta u soo doornay Ciyaarta la yiraahdo Walasaqo ee Wadno U Roon oo laga ciyaaro degaano badan oo ay kamid yihiin Ceel- Buur- Dhuusamareeb, Hiraan iyo Jawhar

Ujeedada loogu dooray ciyaartaan qof waliba sidu rabo ha u fasirto, ciyaartiina waa sidaan ee la soco

-Dili mayno Darbay maynee

-Adeerow Gabarta Soo Daayeey

 qaybta dambe waxaa ciyaara dumarka kaliya 

- Gabadhihi Quruxsan Baa Qooqdee

- Qurunley ways Qar-qarisaayee