Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Rabshadihi Xalay Fiidki Ka Dhacay Xaafado Ka Mida Hargeysa Oo Istaagay

Friday - December 7, 2012

Hargeysa- Rabshad xalay Fiidkii ka dhacday xaafadda Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa ayaa istaagtay kadib markii ay Ciidamadda Booliisku Dadkaasi Rasaas ku kala dareeriyeen, iyadoo ay Rabshadaha xaafadaas ka dhacay oo ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor isla markaana uu socdeen in muddo ah.
ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ay Rabshadahaasi sameeyeen lama oga, hase yeeshee warar is khilaafsan ayaa sheegaya inay Dhimasho iyo Dhaawacyaba jiraan, kuwaasoo lagu kala sheegayo Cisbitaalada Adna, Gar-gaar iyo ka Guud ee Hargeysa, balse wax xaqiinaya inta uu khasaarahaasi leeg yahay ma jirto, wakhtiga oo Habeen ahaa awgeed, isla markaana jidadka oo xiran isu socodku kooban yahay.
dhinaca kalena, intii ay rabashadu ka socotay xaafadaasi, waxa xaafadaha kale ee Hargeysa qaarkood ka socday dabaal degyo ay Xildhibaanada ku soo baxay Liiska Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo taageerayaashoodu ay ku marayaan qaar ka mid ah jidadka,.
isku soo duuboo xaaladda Hargeysa ayaa imika degan, walow Ciidamadda Booliisku Heegan culus ugu jiraan sugida Amaanka magaaladda, isla markaana la xiray Meheradihii Suuqa gabi ahaantoodba.