Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Shiikh Sheegay In Aanay Dhib Lahayn In Ciyaartooyda Aan Muslim Ahayn Guushiisa U Suujuudo

Thursday - December 6, 2012

Riyaad - Sheekh Cali Bin Cabbaas Al-Xakami oo ka mid ah hay’adda culimada waaweyn ee dalka Sucuudiga isla markaana xubin ka ah golaha sare ee garsoorka dalkaas ayaa mar uu dhowaan waraysi siiyey wargeyska Ash-Sharq ee ka soo baxa dalka Sucuudiga waxa uu ka jawaabay arrin muddooyinkii dambe dooddiisu soo noqnoqonaysay oo ah saxnimada sujuud ciyaartooy aan muslim ahayni ugu dabbaal degey gool uu dhaliyey. “Ma jiro qofka aan muslimka ahayn wax u diidaya in uu sujuudo, haddii uu gool dhaliyo iyo haddii arrin kale oo ka farxiyey uu helay ba” ayuu yiri Sheekh Cali oo ka jawaabayey su’aal la xiriira ciyaartooy u dhashay dalka Ecuador oo dhowaan mar uu gool dhaliyey garoonka ku dhex sujuuday isaga oo aan muslim ahayn. 
 
Jaime Ayovi oo u ciyaara naadiga An-Nasar ee dalka Sucuudiga ayaa ciyaar dhowaan ka dhacday dalka Sucuudiga markii uu kooxdiisa u dhaliyey goolkii labaad waxa uu ku dabbaal degey sujuud isaga oo la og yahay in aanu muslim ahayn, arrintaas oo dood badan ka dhex dhalisay dadka Sucuudiga, laakiin Sheekh Cali waxa uu yiri, “Haddii qofka aan muslimka ahayn Alle ugu mahadnaqo sujuud, waa camal wanaagsan, wax dhib ahna anigu kuma arko, waayo waxa uun ay ka mid tahay mahadnaqa qofku Alle uga mahadnaqayo nicmooyinka uu siiyo ee kala duwan” Sheekhu isaga oo doonaya in uu qanciyo dadka arrintan doodda ka keenay waxa uu xasuusiyey in ay ka xumaan lahayd isaga oo ku kaca ficiloo ka dhan ah diinta sida in ciyaartoyga masiixiga ahi marka uu gool dhaliyo uu taabto laabtiisa iyo madaxiisa isaga oo muujinaya calaamadda saliibka, waxaana ereyada sheekha ka mid ahaa, “Waa ay ka khayr badan tahay in uu ciyaartoygu madaxiisa iyo laabtiisa taabto”
Sheekh Cali Al-Xakami waxa uu intaas ku sii daray in ciyaartoygu ay inta badan dhalinyarada soo koraysa u yihiin xiddigo ay ku daydaan, sidaa awgeed sujuudda uu ciyaartoygu sujuudaa waxa ay dad badani ku dhiirri gelinaysaa in ay wax ka bartaan Islaamka si ay u fahmaan ficilkan. Dhanka kalana waxa uu tilmaamay in aan la dhibsan sujuudda ciyaartoy Ayovi oo uu sheegay in ay suurtogalba tahay in ay hordhac u noqoto inuu Muslimo. Sujuudda Ayovi oo iyada oo maqal/muuqaal ah la geliyey degelka internet ka ee youtubeayaa la sheegay in dadka daawaday ay kor u dhaafeen 37 kun oo ruux.
JaimeJavierAyovíwaa weerar yahan 24 jir ah oo khadka hore ka ciyaaraha, waxa uu rasmi ahaan uga tirsan yahay naadiga Pachuca ee dalka Mexico,  waxase uu hadda amaah kula joogaa naadiga An-Nasar ee dalka Sucuudiga. Ciyaaryahan Jaime Ayovi waxa uu la dhashay ciyaaryahanka baasha bidix ka ciayara ee Walter Ayovi oo ku magac dheer Macaco kana tirsan xulka qaranka dalka Ecuador.
Sheekh Cali Bin Cabbaas Xakami oo shaahadda Doctorate ku haysta cilmiga fiqiga Islaamka, waxa uu sidoo kale ka tirsan yahay, dalladda kulanka fiqiga caalamka islaamiga ah, waa macallin wax ka dhiga majidka Xaramka, waxa uu hore u ahaan jiray hormuudka kuliyadda shareecada ee jaamacadda Umul-quraa ee dalka Sucuudiga, waxa aanu qoray kutub aad u badan oo fiqiga Islaamka ah.