Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Puntland Oo Qiratay In Al-Shabaab 10 Askari Ka Dishay Iyo Faroole Oo Cabsi Jirta Socdaalkiisi Baa...

Thursday - December 6, 2012

Boosaaso – Maamul Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey in 10 askari lagaga dilay dagaal ciidamadoodu la galeen Al-shabaab ,, Ciidamadda Puntland oo habeen hore dagaal qaraar aaga Suqure ee duleedka Magaaladda Boosaaso kula galay dagaalyahano Al-shabaab ah, ayaa waxa ka dhintay 10 askari, halka ay Al-shabaab ah ka dileen 7, sida uu xaqiijiyey Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maanta Warbaahinta la hadlay.
 
Wasiirka ammaanka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa xaqijiyay in xoogagga Al-shabaab ay xalay saqdii dhexe soo weerareen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga Sugurre, isagoo sheegay inuu soo gaadhay khasaare xooggan, iyaguna ay khasaare u geysteen xoogaggii Al-shabaab “Dhanka Puntland waxa dagaalka uga dhintay 10-askari, dhinaca Al-shabaabna waxaan kaga dilnay toddoba dagaalyahan oo afar ka mid ah maydadkooda aan gacanta ku hayno”ayuu yidhi Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.
Cisbitaalka Magaaladda Boosaaso ayaa waxa Warbaahinta lagu tusay maydadka saddex qof oo Wasiirka aminga Puntland ku sheegay inay yihiin Al-shabaab, inkasta oo aan wararka Madaxa-banan ee halkaasi laga helayaa aanay ilaa hadda cadaynin tiradda dadka dagaalkaasi ku dhintay.
Dhanka kale, Madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa baajiyey safar uu taggi lahaa bariga Gobolka Sanaag, ka dib markii sida la sheegay uu ka baqay amaan daro kaga timaada beelo ka soo horjeeda muddo korodhsiga uu doonayo in loo sameeyo.
Saraakiil ku sugan Magaalada Boossaaso oo Madaxweyne Faroole  joogay  maalmahan, ayaa sheegay in wakhtigan uu aanu tagi doonin Sanaag, iyadda oo wararka Madaxa-banaan ee halkaasi ka imanayaa sheegayaan in baajinta socdaalkaasi ay qayb ka tahay cabsi uu ka qabbo ciidamadda qaranka Somaliland oo ku dhow deegaanada ay ka mid tahay Badhan oo safarkiisa Sanaag bari ka bilaabmayey.