Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

X/dhibaanada Khatumo Iyo Awdal Oo Laga Codsanaayo In B/maanka La Hor Keen Heshiski SNM DKMG Ee Som

Sunday - December 2, 2012

By Ciise Maxamed Aadan: Heshiiskii labada dhinaca ee Dowladii  Shiikh Shariif iyo C/Wali  ee ku-meel gaarka ahayd  iyo maamulka SNM ku dhex maray magaalooyinka London iyo Dubai, waxaa dabada ka riixaayay dowlado shisheeye  ah oo aan shaki ku jirin in ay Soomaaliya ka leeyihiin dano badan oo guracan, waxa si bareera loogu soo beegay xili ahaa kal-guur oo aanu wadanka ka jirin baarlamaan shaqaynayaa

Waa xili la rabay in la dhameeyo oo laga gaasiiyo arima badan oo sharci daro ah, oo uu ka mid ahaa heshiiskaa aan kor ku soo xusnay, heshiiskanu waa mid khilaafsan, oo ka hor imanaaya distuuradii kala dambeeyay ee wadankeena, iyada oo dhamaan lagu xusay in midnimada Soomaaliya tahay lama taabtaan, aan gorgortan la gelin Karin.

Balse heshiiskanu wuxuu mugdi iyo muran gelinayaa midnimada Wadankeena, in kasta oo aan qadiyada gooni isu taaga, ee uu doonaayo maamulka SNM lagu xusin heshiiskaas, hadana waxa si farsamaysan, oo mugdi ku jiro loogu xusay, in uu yahay heshiis dhex maray laba dhinac, oo kala ah dowlada ku-meel gaarka ah iyo Somaliland, taas oo si dadban u muujinaysa andacooyinka maamulka SNM, ee ah in ay yihiin dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, iyo

 In maamulka SNM ka wakiil yahay gobolada woqooyiga Soomaaliya, ee uu gumaysan jiray dowlada Ingriisku, sida ay ku andacoodaan maamulkaasu, ayna arintaas waqti dheer ku cel celinayeen, oo ay ka dhaadhiciyeen beesha caalamka, in erayga Somaliland u taagan yahay gobolada woqooyi, ee uu Ingriisku gumaysan jiray, ayna iyagu maamulka SNM wakiil ka yihiin shacabka Soomaaliyeed ee goboladaas dega,

Taas oo xaqiiqada iyo waaqicaba ka fog, balse maamulka SNM yahay, maamul ay leedahay beel keli ah oo ka mid ah beelaha badan ee dega gobolada woqooyiga Soomaaliya, beeshaasna aanay beelaha kale oo tira ahaan iyo dhul ahaanba ka badani, la qabin rabitaankooda guracan ee midnima diidka, iyo gooni isu taaga ah.

Heshiiskan oo lagu qeexay in wada hadalada laba dhinac sii socon doonaan ilaa Inta laga gaarayo heshiis kama dambays ah, waxaan shaki ku jirin, in ay jiraan ajendayaal dambe, oo qarsoon dibna loogu dhigay wada hadalada dambe, kuwaas oo ay ka mid noqon karto qadiyada gooni isu taaga, ee uu maamulkaasu raadinaayo, waxa kale oo heshiiskaa laysku hortaagay, in ay ka soo qayb galaan, oo ra’yi ku yeeshaan wada hadaladaa, dhinacyada kale, ee ay arintaasu khusayso, sida labada Maamul ee Khaatumo iyo Awdal iyo beelaha kale ee dega gobolada woqooyiba.

Halkaa waxaad ka garanaysaa in heshiiskaa laga leeyahay ujeedooyin guracan, oo qarsoon oo loogu gogol xaaraayo sidii loo gaarsiin lahaa oo loogu garab siin lahaa maamulkaa SNM rabitaankooda guracan ee sharci darada ah ee ay doonayaan in lagu hantisiiyo, oo dowlad la ictiraafo looga dhiso qeyb wayn oo ka mid ah dhulka  Jamhuuriyada Soomaaliya.

Waxa ah, wax aad looga xumaado, iyada oo mashruucan shirqoolka ah ay dabada ka riixayaan dowlada shisheeye ah, oo dana guracan ka leh wadankeena ay hadan u fududaynayeen oo u suura gelinayeen shirqoolkaa ay shisheeyaha iyo Soomalidiidku wataaan, madaxdii iyo masuuliintii ugu sar saraysay dowladihii ku-meel gaadhka ahaa ee wadanka soo maray, si gaar ah tii Ugu dambaysay ee Shiikh Shariif iyo C/Wali, oo suura geliyay in heshiiskaa guracani sidaa khaladan u dhaco,

waxa la xusuustaa, in mudo yar oo bilo ah ka hor heshiiskaa, lagaga dhawaaqay magaalada taariikhiga ah ee Taleex, dhismihii iyo aasaasidii maamulka Khaatumo state, waxay cid waliba ka war haysaa jaahwareerkii, dagaaladii ismiidaaminta ahaa, werwerkii xooganaa iyo qayla dhaantii ka dhex Dhacday maamulka SNM, hase yeeshee iyagoo cir iyo dhulba hayn waayay,waxaa arintaa uga soo gurmaday oo garab ka siiyay maamulka SNM dowladii Shiikh Shariif iyo C/Wali, iyaga oo aqbalay heshiiskaa shirqoolka ah ee aan soo xusnay oo macnihiisu ahaa in sijaadad lagu hoos qaado maamulka Khaatumo ee hada curtay, si aanu meelnaba uga soo gelin qadiyada ka taagan gobolada woqooyi ee Soomaaliya.

Waxase maanta taas ka sii daran, wixii hore oo dhana isku fuuq fuuqsaday, iyada oo uu maanta kursigii madaxtinimada ee Soomaaliya uu ku fadhiistay madaxwayne isagu cabsan oo aaminsan fikirka iyo rabitaanka guracan ee maamulka SNM, waa madaxwayne ka sii SNMsan kuwa asalka ah ee SNM,oo weliba leh awood fulineed, oo aanay kuwii ka horeeyay lahayn, iyada oo ay muuqato in uu isku darsaday shaqadii ra’iisal wasaaraha iyo tii afhayeenka baarlamaankaba, durbabana muujiyay sida ay uga go’antahay in uu taageero aan xad lahayn u fidiy  maamulkaa Soomaalidiidka ah.

Maaha warka ku soo baxay shabakada waagacusub, ee sheegaya in uu madaxwayne Xasan Culusow u balan qaaday maamulka SNM, ee Soomaalidiidka ah, in uu siinaayo toban sano oo daakhili ah (halkan ka aqriso

 Warbixinta waagacusub), mid la dhayalsan karo, bal waxaan qabaa, in uu yahay war xaqiiqa ku salaysan, uuna yahay Xasan Culusow nin xagjir ah, oo aan arintaa iyo mid ka badan biyo u kabanayn, in uu ku kaco oo ku taageero maamulkaa Soomaalidiidka ah,sidaas darteed waxaa looga baahan yahay maamulada Khaatumo iyo Awdal, in ay dhaq dhaqaaq dheeri ah arintan ka samayaan debeda iyo Gudahaba, si gaar ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya kaga jira labadaa maamul waa in ay u ololeeyaan in heshiiskaa aan soo xusnay, la horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, inta aan wada hadalada dembe, ee dowlada Soomaaliya iyo maamulka SNM bilaaban, si wax looga bedelo oo mad madowga iyo mugdiga hadheeyay looga saaro heshiiskaa oo qolka hoosta laysaga xidhay looga saaro, oo lagu cadeeyo Cida wada hadlaysa iyo waxa laga wada hadlaayoba, oo ay arintu u noqoto xalaal dharaar baa la qashaa.

hadii se ay labadaa maamul iyo shacabkoodu iyo weliba beelaha kale ee degan gobolada, ee iyagu ka nabad galay mingiska gooni isu taaga ee lagu ibtilayay maamulkaa Soomaalidiidka ah dhayalsadaan arintan, waxa ka dhalan doona cidhib xun, oo aanay mahadin labadaa maamul iyo beelahaa aan soo xusnay.

Wabillaahi atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam