Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

khilaafka keenya iyo Somaaliya Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Xasan Shiikh Oo Ka .......

Saturday - December 1, 2012

Muqdisho- Madaxweynaha Somaliya Xasan sheekh iyo wafdi uu hogaaminaayay oo todobaadkan booqasho ugu baxay Dalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya ayaa xalay ka soo degay Madaarka Muqdisho isagoo soo maray labo ka mid ah sadexdii wadan ee u qorshaysnaa.

Madaxweynuhu wuxu ku horeeyay dalka Jabuuti oo uu casuumad ka helay kadibna wuxu soo maray Itoobiya, halkaas oo uu ku qaatay mawqifka uu ku baajiyay booqasho horay loo iclaamiyay oo uu ku tegi lahaa dalka Kenya, kadib markii Madaxda Itoobiya ay iskaga aragti noqdeen qorshaha Kenya ay ka leedahay gobolada Jubooyinka iyo marsada Kismaayo oo ay Itoobiya ka cabsi qabto in ururada maamulkooda ku kacsani fursad ka heli doonaan.

Dadka u dhuun-daloola arimaha siyasada Afrikada-bari waxay tuhunsanyihiin in Itoobiya ay ku qancisay madaxweynaha Somaliya inay iyagu buuxin doonaan kaalinta ciidamada Kenya, sidaas darteed uu madaxweynuhu jihada safarkiisa bedelo askarta Sawaaxiliga ahna shagaafta u laabo.

Si kastaba ha ahaatee waxa cirka isku shareeray khilaafka Somaliya iyo Kenya, goor-dhowna waxa la saadaalinaaya in madaxweynuhu saxaafada la hadlo si uu uga warbixiyo safarkiisii iyo wada-hadaadi u la galay madaxweyne-yaasha ay wada kulmeen