Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ururka Al-Shabaab Oo Sako Uga Soo Aruursaday Xoolo Dhaqato Ku Nool Gobolka Gedo

Saturday - December 1, 2012

Beled-Xaawo-Saraakiisha maamulka Ahlu suna ee degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen boqolaal xoolo nool ah oo  isugu jira Geel, lo’ iyo Adhi loo iib geynayay degmadaasi.
Xoolahaasi ayaa la sheegay in Ururka Al-shabaab Seko uga soo Uruursaday Dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaamada Gobolka Gedo, ka dibna intay dad rayid ah u soo dhiibteen loo soo iib geeyay Beled Xaawo, sida uu sheegay Afhayeenka maamulka Ahlu suna ee gobolka Gedo Shiikh Maxamed Xuseen Al-Qaadi “Waxaan degmada B/xaawo ka qabanay xoolo boqolaal neef gaaraya oo Al-shabaab ay laheyd kana soo dhaceen dad xoolo dhaqato iyagoo leh zako ayaan aruurineynaa, ka dibna waxay u soo dhiibeen si qarsoodi ah dad iyaga u shaqeeya si loogu iibiyo degmadan B/xaawo” ayuu yidhi afhayeenka.
Shiikh Maxamed Xuseen Al-Qaadi ayaa sheegay in arintaas ay ku soo wargeliyeen dadkii laga soo qaaday xoolahaasi, kuwaasoo uu xusay inay u sheegeen xoog in lagaga  soo qaaday, wuxuuna intaa ku daray inay baaritaan ku hayaan haddii ay cadaatana ay xoolahaas u celin doonaan dadkii lahaa.
Saraakiisha sakawaatka u qaabilsan Al-shabaab ee gobolka Gedo oo arintan ka jawaabay ayaa beeniyey in xoolo sako ahaan loo soo aruuriyey loo iibgeeyey degmada Beled-xaawo, waxayna intaa ku dareen in xoolahaas ay lahayeen dad shacab ah, wax shuqulana iyagu aanay ku laheyn.
Taliye ku xigeenka dhanka hawl-galada ciidamada ilaalinta midawaga afrika korneel Istivano Mujiro ayaa sheegay in qaar ka mid ah saraakisha al-shabaab ay haatan bilaabeen in ay ka baxsadaan wadanka Soomaaliya.
 
Kornel Mujiiro ayaa cadeeyay in saraakiishaasi ay yihiin kuwo gaaraya wadamada ay ku jirto yemen.
War bixinta oo ay si aad ah u qareen wakaladaha iyo talafishanada calaamku ayuu Taliyuhu ku muujiyay sida ay ciidamada midawga afrika AMISOM iyo kuwa dawlada Soomaaliya ay cadaadis ugu saarayaan dagaal yahanada al-shabaab inay iskaga baxaan Deegaamada ay ku sii harsanyihiin ee Koonfurta.
Dawlada Yemen ayaa mar sheegtay in dagaal yahano al-shabaab ka tirsani ku soo qul qulayaan wadankasi kuwasi oo ku biiraayay al-qaaci’dada wadankaasi ka hawl-gasha.