Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Boliska Wadanka Denamark Oo Sii Xoojiyey Raadinta Omar Hasan Sheik Muse Oo Ah 27 Jir Somaali Ah

Tuesday - November 27, 2012

kiiska Omar loo raadinayo ayaa la xiriira dilka nin lagu magacaabi jiray Jonas Thomsen Sekyere , kaas oo todobaadkii hore lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada Kobenhagen. Jonas oo ahaa arday jaamacada ka barta sharciga ayaa lagu dilay toori isaga oo ku jira saaldada qoob-kacayaarka, .

Saddex cisho ka dib waxaa arinka loo qabtay saddex nin oo hada rumaan ahaan u xiran halka ninka afraad ee dilkan lagu tuhunsan-yahay oo ah Omar Hassan Sheik Muuse oo sawirkiisa, astaantiisa iyo magaciisaba lagu baafinayo telefishinada.

Booliiska ayaa sheegay in isla markiiba ay la soo xiriireen 12 qof oo siiyay warbixin ku saabsan Omar. Soomaalida ayaa mudooyinka dambe uu magacoodu sababo kala duwan ugu soo noq noqdaa saxaafada wadankaas Denamark. waxaana hadda Denmark lagu daawnayaa filim ku saabsan Burcad-badeeda soomaalida oo uu soo saaray filim-sameeye u dhashay wadankan Denmark.