Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

G/kacyo: Agagaarka Masjid S/din O Mawjado Dhiiga Caseeyeen Kadib Markii Horor aan La Bar Garaneyn..

Monday - November 26, 2012

Gaalkacyo: Waxaa shabakadaan Galdogob Times goor dambe ee galabta soo gaaray war sheegaya in xalay fiidkii bartamaha magaalada gaalkacyo gaar ahaan goob ay shacabku ku xoonsanaa-yeen oo isla waqtigaas ciidamadu ka hawl-galayeen masjidka Salalaaxu-diin,oo la yiri waxaa laga baarayey nimankii dilay  Aadan faarax dheere, dabadeed shacabkii halkaas daawaney ayaa si kadis ah lagu soo riday rasaas iyo tacshiirado daran-dooriya oo aan la garaneyn dhinaca ay ka timi iyo cida kibirka iyo badrada u soo furtay rasaastaas, taaso falka dhacay dhaxalsiisay in goobti mawjado dhiiga caseeyeen oo natijadi falkii halkaas ay ku dhintaan 3 qof oo midi tahay Naag uur leh, waxaana hooga dhacay iyo nasiib daro noqotay in sadexda dhimateyna ay ka soo wada jeedaan hal beel oo ah Sade-Mareexaan iyo dhaawaca oo sida la sheegay gaaray illa 3 qof oo iyaguna mid haweyney tahay  

Dhinaca kale Sida nala soo gaarsiiyey xaaladihi ka aloosnaa dhinacyada Beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa weli dhinacna loo soo af-jarin oo sida muuqata illa hadda aan xal loo helin, balse qolo kastaba dun baa meel ugu xiran ay dan moodeyso .. odayaasha garcasta leelkase waxaa weli warkoodu taagnyahay in aan la iska dhagooleyn amase la iska duuduubin xaqiiqda jirta oo halkaas deyaanka iyo colaada la abuuraayo la xasiliyo,dul-qaadna la yeesho, iyagoo warkoodaas ku xusay in reerka leelkase ilaahay ka kor yeelay gardaro iyo xaq la aaso oo aysan cidna ku xad-gudbin oo shu'uun aanay lahayn faraha la galin, waxayna warkooda ku soo gunaanadeen in ay tahay wax aan la aqbali-karin dadka aan waxba galabseen ee la iska afduubtay, balse wixii la tirsanaayo oo la xariira Ninka Reerka Ka xiran lagala xariiro masuullinta Maamulka Puntland .. Hasa ahaate Dhinaca Reerka Gal-Mudug wax jawaab fiican ah illa hadda lagama hayo aan ka ahayn kalmada ay ku dhaganyihiin ee carabkooda dhaafeyn oo ah Leelkasow Ninka Aad xirateen Keena.