Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Axmed Siilaanyo Oo Warqad Cay Ah U Qoray Danjire Mahiiga

Sunday - November 25, 2012

Hargeysa Xigasho Geeska- Harawo: AxmedSiilaanyo ayaa si aan masuuliyadani ku dheehnayn uga jawaabay warqad uu u soo diray ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliya Danjire Augustine Mahiga, warqadaas oo uu Mahiga kusoo qoray title-ka dhabta ah ee maamulka somaliland ayaa ka caraysiisay Axmed siilaanyo kadibna wuxu jawaab ka baxsan anshaxa dublamaansinimada u diray wakiilka QM mr Mahiiga.

Danjire Mahiga ayaa Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland 7 November oo ah bishan aynu ku jirno u soo diray dhambaal uu kaga codsanayo inuu la kulmo wefti ka socday Qaramada Midoobay oo dib u qiimayn ku samaynayay qaabka ay tahay inay Qaramada midoobay hadda ka dib uga hawlgasho Somaliya.

Qoraalka uu Danjire Mahiga ku dalbanayay inuu Madaxweyne Siilaanyo qaabilo weftigaas, wuxuu ku socodsiiyey “Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya.” Ereygaas ama title-kaa xaqiiqda ah ee somaliland waa waxay gubtay Siilaanyo, jawaabtiisuna waxay noqotay tii uu saqda-dhexe la toosay oo kale markii uu Faysal cali waraabe caaayay.

Siilaanyo warqadda jawaabta ah wuxu ku qoray  ” Anigu ma ihi madaxweyne maamul goboleed waxan ahay madaxweyne dal madaxbanaan oo somaliland la yiraa ereygaaguna waa mid gef iyo edeb-darro ah”‘

Axmed Siilaanyo wuxuu qoraalkaas Danjire Mahiga ka jawaabay 20 November isla bishan aan ku jirno.  Axmedsiilanyo waxa kale oo uu warqada cayda ah ku qoray inuu dib u qiimayn doono in xafiiskiisa Hargeysa ee UNPOS.

Wuxu isagoo ka hadlaya xafiisksa Mr. Mahiga ee Hargeysa uu yiri, “Waxaan hadda dib u eegis ku samaynayaa inuu joogitaanka xafiiskaaga UNIPOS ee Hargeysa uu dan u yahay dalka iyo inkale.