Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

WadahadlkiGar-Madoobayaashi iyo Guud Ciroolihi Dhinacyada Sacad Iyo Leelkase Oo Weli dulun-dulcaynay

Saturday - November 24, 2012

Gaalkacyo: Sida nala soo gaarsiiyey xaaladihi ka aloosnaa dhinacyada Beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa weli dhinacna loo soo af-jarin oo sida muuqata illa hadda aan xal loo helin, balse qolo kastaba dun baa meel ugu xiran ay dan moodeyso .. odayaasha garcasta leelkase waxaa weli warkoodu taagnyahay in aan la iska dhagooleyn amase la iska duuduubin xaqiiqda jirta oo halkaas deyaanka iyo colaada la abuuraayo la xasiliyo,dul-qaadna la yeesho .. waxay odayaasha leelkase dhigood reerka sacad tusaale ahaan ugu sheegeen in Reerka Leelkase u yahay makhluuq ilaahay ka kor yeelay Gar-daro iyo xaq la aaso, kumana tacdiyaan maato, daandaasina kuma kacan , waxay tilmaan-tooda  ku yiraahdeen Leelkase waa shicib aan cidna ku xad-gudbin oo shu'uun aanay lahayn faraha lama galaan sidaa daraadeed ayey mar kale ku yiraahdeen Odayaasha Sacad in Wiilka Sacad ee xabsiga loo taxaabay iyo shuquladiisa aysan beesha leelkase wax shaqo ah ku lahayn balse u u xiranyahay nabadsugida maamulka Puntland oo iyaga lagala xariiri-karo, waxayna doododa ku xuseen in ciidamada daraawiishta ee hawlgalada magaalada ka fuliya ay u dhan-yihiin dhamaan qabaaiilada degaanka gaalkacyo ee aysan beel kaliya ku koobneyn,waxayna halkaas ku si faah-faahiyeen in dagaaladi dhawaanta ciidamada Puntland ku soo qaadeen degaanka Garsoor ay ku jireen askar ka soo jeeday beesha leelkase oo waqtigaas ka garab dagaalameysay ciidamadaas.

.. beeluhu wax waa isku qaban-jireen dibna waa u kaban jiray, sidaa daraadeedna dareenka ama daadka dhinacyada kala xiray u dabaalo mooye uma furna dariiq kale.