Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Dhar La Yiri Waxaa Laga Helay Maado Sun Ah Oo Gurisa Shahwada-Taranta Raga

Friday - November 23, 2012

Kolding: Shirkadda deenishka ah ee xoog loo iibsado dharka ay samayso - ee noocyada lagu iibiyo dukaamada Vero Moda, Only og Jack & Jones - ayaa dharkeeda laga helay maadadda sunta ah ee nooceedu yahay NPE.

Sidaas waxa muujiyay warbixin manta la baahinayo, oo ka kooban 56 bog oo ay sameeyeen Greenpeace International, ayuu ururku ku qoray boggiisa intarnetka.

Sida lagu sheegay warbixinta, ururka  Greenpeace ayaa shay'baar geeyay 141 shay oo dharka ay sameeyaan shirkadaha ugu waawayn dunida sida H&M iyo Levi's, iyagoo ka baaray inay ku jirto maadadadda deegaanka waxyeellaysa ee NPE.

Maadadda ayaa marka la mayro isu bedesha NP, oo keenta dhibaatooyin ay ka mid yihiin shahwadda ragga ay guriso. 14 shay oo la baaray maadadaas ayaa 11 ka mid ah laga helay xaddi badan oo NPE ah.

Lataliye hormood ah oo ka tirsan qaybta deegaanka ee guddida adeega, Claus Jørgensen, ayaa akhriyay warbixinta, kuna tilmaanay akhris tiiraanyo leh.