Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

R/W Itoobiya Hailemariam iyo M/weyne Kibaki Kenya Oo Kulankoodi Ka Hadlay Maamul U Sameynta J. Hoose

Thursday - November 22, 2012

Nairobi- Raysul wasaaraha cusub ee Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa kulamo xiriir ah oo dhowr maalmood ay ku lahaayeen xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi waxay ugu dambeyntii ka soo saareen qodobo ay sheegeen inay ku heshiiyeen.

Shir jaraa’id oo saxaafadda dibadda iyo gudaha ay goobjoog ka ahayd oo ka dhacay qasriga madaxtooyada ee Kenya shalay galab ayey labadani ku shaaciyeen inay ka wada hadleen xiriirka labada wadan, iskaashiga amaanka, arimaha Soomaaliya, dhaqaalaha iyo xog isdhaafsiga.

Heshiiska labada wadan

Madaxweyne Kibaki oo ku horeeyay hadalka ayaa sheegay in isaga iyo raysul wasaaraha Ethiopia ay si aad ah uga doodeen arimaha amaanka guud ahaan gobolka Geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa wax uu ku sheegay “cadawga labada wadan”.

Sidoo kale Kibaki wuxuu cadeeyay in iskaashi dhanka dhaqaalaha ah ay ku heshiiyeen sida in dekeda cusub ee Lamu ee laga dhisayo gudaha Kenya ay wax kala soo degaan dawlada Ethiopia iyo Koonfurta Suudaan, maadaama Ethiopia aysan lahayn deked ay wax kala soo degto.

Dhankiisa raysul wasaaraha Ethiopia Hailemariam ayaa sheegay in xiriirka iskaashi ee dhanka dhaqaalaha, iyo wax isdhaafsiga hawlgalada argagixisada loo saari doono guddi heer wasiir ah oo labada wadan ka kala socda si ay u sii ambaqaadaan heshiiskan lagu gaaray magaalada Nairobi.

Arimaha Soomaaliya

Heshiiska inkastoo si cad loogu faahfaahin saxaafadda ayaa hadda madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in labada dawladood [Ethiopia iyo Kenya] ay isku afgarteen in la sii wado hawlgalada ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen “argagixisada nabada” ee gudaha Soomaaliya, iyagoo gebi ahaanba meesha ka saaray in ciidamadooda ay waqti dhow ka soo saaraan Soomaaliya.

Kenya iyo Ethiopia waxay labaduba ciidamo aad u fara badan ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo dagaalkula jira ururka Al-Shabaab.

Raysul Wasaaraha Itoobiya Hailemarian ayaa markii uu arrimaha Soomaaliya ka hadlayay sheegay in dhibaatada ka jirta Geeska Afrika ay khatar ku tahay danaha labada dawladood, isla markaana Kenya iyo Ethiopia ay yihiin dawladaha urur goboleedka IGAD ka tirsan ee waqti badan iyo ciidamo ku bixiyey sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya.

Hailemariam wuxuu u mahadceliyey dawladaha Uganda iyo Burundi oo iyaguna ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay in iyaga, Ethiopia iyo Kenya ay “wiilashooda u hureen sidii Soomaaliya nabad looga dhigi lahaa”.

Arimaha gobollada Jubbooyinka oo hadda xiisado ay ka taagan yihiin ayay aad ugaga wada hadleen labadan masuul kulankooda. Waxa jira walaac ay Itoobiyanku ka qabto in xubno xiriir la leh jabhada ONL  ay ku soo dhex dhuuntaan maleeshiyaadka deegaanka ee ku sugan gobolada Jubbooyinka, kadibna ONL ay dekada Kismaayo wax kala soo degi karto,  taasoo raysul wasaaraha Ethiopia uu aad ugala dooday madaxweynaha Kenya.

Sidoo kale ilo wareedyo ayaa sheegaya dooda ka taagan habka loo samaynayo maamulka cusub ee goboladaasi ay yeelanayaan  ayaa si aad ah uga hadleen Kibaki iyo Hailemariam. Hase yeeshee shirka jaraa’id ee labada nin ay qabteen laguma sheegin si gaar ah arrinta gobolada Jubbooyinka.