Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Rag Jaaha-warersan Ayaa illa Shalay Taxane Dil Mirasho Ah U Geysanaya Wax-garadka Reerka Leelkase

Tuesday - November 20, 2012

Gaalkacyo: Wararka naga soo gaaraya magaalada gaalkacyo ayaa tilmaano ka bixinaaya in xaaladaha ka cakirmay magalada galkacyo ay maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareyso, waxaana la sheegaya in kooxo habeenki sidi dhurwaa gudaaya gafuurkana u duubanyihiin ay hayb gaar ku ugaar-sanayaan gudaha magaalada gaalkacyo iyo goobaha laga heli-karo, warka ayaa intaa ku daraya in xalay fiidkii magaalada gaalkacyo xaafadeeda garsoor si gaadmo wax-shnimo ah lagu toogtay nabadoon Aadan Faarax Dheere iyo nin kale oo la socdeyna halkaas lagu dhaawacay,sido kale ayaa war hadda xagayaga ku soo dhacay naloo sheegaya in Saakadaan nin kale oo magaciisa lagau sheegay Ina cigaal dhoore la dilay iyo nin kale oo isna dhaawcmay oo la yiri waxaa lagu magacaaba Shiikh Qawdhan.

Arinta si kastaba ha noqote Reerka Leelkase sida caadada u ahayd xaajo kasta waxa ay kaga beegantahay iyo sida loo abaaro wey u fadhiyaan waana ay garanayaan .. reerku dhaqan bey u leeyihiin in sidi loola dhaqmo xumaan iyo wanaag midkoodba bey iyaguna ugu caano lisaan amase dacarta la isu leefsiya .. waxaa la yiri dhuumashow dhabarku muuqdo maaha dhuumasho, dadka falka geystay, soo hubeysay, abaabushay ee taageereysa gacan-ku dhiig-layaasha sida la xusay waa la garanaya maalmahaas lafteeda ee ay wax dileen iyo halka godka abeeso ay ka soo biyeys-teen .. waa hubaal sida ay dhen-geda ay beryahaan reerka ugu karbaasheen baa iyaguna dhen-geda loogu dhufan, waxaa la hubaa in falalkaan gardarada ah cawaaqibka ciribteeda in hadhow si daciifnimo ah loo soo caban-doono siiba marka ay arintu tagto meel cirka iyo dhulka dhexdooda ah .. Arintu waxay u muuqata Nin walibaw bood oo dhan-kasta u bood oo kii boodi-kari-waaya baa laga badiyey

Warkii hada ugu dambeeyey ee ka soo baxa golaha Gacal Xariir ee ka dhex unkan bulshada Leelkase ee Gaalkacyo ku sugan ayaa sheegaya inu jiro abaabul iyo shirar dhawr dhinac isugu jira oo looga arin-sanaayo xaaladaha saaxada beesha leelkase beryahaan ku soo cusboonaaday ee dhiilada iyo dhibaatada wadata oo ay ka dambeyaan dad argagixiso ah oo dhib iyo balaayo ka hurinaaya magaalada Gaalkacyo, waxaana goobta shirka ka soocda tala bixin iyo ra'yi qaadasho intaba oo ay ku jirto option-ka doorashada nabad raadinta

Fiiro Gaara: War kale oo iminka shabakadaan soo gaaray ayaa beeninaaya in saaka rag kale la dilay oo ay ka mid yihiin ina Cigaal Dhoore iyo shiikh Qawdhan .. mar kale warkaas waa been oo si khaldan ayuu nagu soo gaaray ee akhristayaalo naga raali ahaada