Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Daalinki Gur-Guran Jiray Abu-Xafsa Ee Shacabka Qunbuladaha Uga Dhigi Jiray Waslad-Waslad O La Qabtay

Monday - November 19, 2012

Gaalkacyo: Maamul Goboleedka Puntland ayaa War-saxaafadeed ay shalay soo saareen ku sheegay in hawlgal ciidamadda amaanku ka sameeyeen Magaalada Galkacyo gacanta ku dhigeen Maxamud Nuux Aaden (Abu Xafsa), kaasi oo ay ku sheegeen inuu ahaa Madaxa kooxda dilalka iyo qaraxyada u fulisa ee Al Shabaab ee loo yaqaano Amniyaadka, waxayna sheegtay in ninkani hore u ahaa Madaxa ilaallada Axmed Cabdi Godane (Muqtar Cabdiraxman Abu Zubeyr).

War-saxaafadeedka Puntland soo saartay ayaa sidoo kale Ciidamada amnigu waxay gacanta ku dhigeen Cabdirizaaq Xuseen Tahliil (Ilkacase) oo ah Madaxa Saadka iyo Sahayda kooxda Al Shabaab, waxaana xilligii la soo qabanayay xubnahaasi ay siteen walxaha qarxa oo kala duwan, sida: Jaakad diyaarsan oo loo isticmaalo isqarxinta, F1 bam-gacmeedyo, Noocyada kala gedisan ee baaruuda qaraxyada (sida TNT, IWM), Daasado ay ku jiraan qaraxyo diyaarsan, Teleefanada gacanta iyo rimuutyo (remote controllers), Filooyin iyo fiyuusyo (wires and fuses), Saacado iyo Batariyo; Sidoo kale, howlgal ay ciidamada amniga Puntland ka sameeyeen deegaanka Buraan ee Gobolka Haylaan ayaa waxa lagu soo qabtay 9-xubnood oo ka tirsan kooxda Al Shabaab kuna wajahnaa Buuralayda Golis iyo Magaalada Boosaaso si ay uga fuliyaan falal argagaxisonimo, waxayna hay’adaha amnigu ku wadaan baaritaan dhamaystiran. Waxay ciidamada amniga Puntland ku amaanan yihiin dardarta amni-sugidda iyo ka hortaga falalka argagaxiso ay damacsanaayeen kooxda Al Shabaab inay ku waxyeeleeyaan amaanka Puntland.   .