Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 May 2024

Madaxweynaha Somaaliya Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Munaasabada Ciidul Adxa

Thursday - October 25, 2012

Mogadisho: Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta shacbiga Somaaliyeed iyo guud ahaanba ummada musllinka ee caalamka ku nool ugu hambalyeeyey munaasabada Ciidul Adxa oo guud ahaan caalamka looga dabaaldagaayo.

Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud oo shacbiga soomaaliyeed u mariyey fariin uu ugu tala galay munaasabada ciida warbaahinta qaranka ayaa yiri waxaan leeyahay ciid wanaagsan ciid mubaarak, waxaana Alle ka rajeeynaya inu ummada somaaliyeed ay sandka dambe iyo kuwa ku si xiiga ku gaaro nabad.

 Madaxweynaha oo hadalkiis sii wata ayuu ummada somaaliyeed ka codsaday iney fadliga ciidul adxa ay isku cafiyaan oo ay u jeestaan aayaha dalkooda si horumar loo gaarana ay tahay in ummada is cafiso oo haddana is walaalsadaan