Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 18 May 2024

Sideed Qof Ayaa Ku Dhex Dhintay Dagaal Ka Dhex-Taagnaa AMISOM Iyo Al-Shabaab

Thursday - October 25, 2012

Mogadisho- Wanlaweyn- Inta la ogyahay sideed qof ayaa ku dhintey toban qof oo kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii gaari nooca Mini Buska ah loo yaqaan uu soo dhexgalay goob dagaal uu ka socdey, dagaalkaas oo u dhexeeyey ciidanka AMISOM iyo xarakada al-Shabaab.

Goobta shilku ka dhacay ayaa ahayd halka loo yaqaan Leego ee gobolka Shabeelada Hoose. Rasaasta gaariga ku dhacdey ayaa la sheegayaa in ay ahayd rasaasta qoriga lidka diyaaradaha ee Zuu-ga loo yaqaan, Dad ka agdhawaa goobta shilku ka dhacay ayaa sheegaya in rasaastu ay ka timid dhinaca Ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM, inkasta oo dhanka Dawladdu ay ku eedaysan in aysan iyagu ku dagaalameyn qoriga Zuu-ga balse al-Shabaab ay ahaayeen kuwa ku dagaalamay, iyadoo dhanka shabaab ay rasaastu ka timid. Dadka saarnaa Mini-Buska ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka Buur iyo Baydhabo.