Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Madaxweyne C/ramaan Faroole Oo Caro Kaga Jawaabay Beelaha Warsangali Ee Taageerada Kala Noqday P/Lan

Wednesday - October 10, 2012

Garowe-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa go’aan ay caro ka muuqato kaga jawaabay go’aan ay Beelaha bariga gobalka Sanaag taageeradii kagala noqdeen maamulkiisa Puntland, kuwaas oo safar iminka ku jooga magaalada Hargeysa ee Somaliland si ay wax ula qabsadaan maamulkaas.
 
Madaxweyne Faroole, oo ka jawaabaya odayaasha iyo wax garadka Beelaha Warsengeli ee taageerada kala noqday maamulkiisa, wuxuu shalay xilkii ka qaaday guddoomiye ugu magacownaa gobalka Sanaag oo la yiraahdo Maxamed Siciid Nuur (Dabayl) iyo taliyihii booliska Puntland ugu magacownaa gobalka Sanaag Mr. Dabaq, waxaanu labadaas xil u magacaabay laba nin oo cusub.
Wareegtadan Madaxweyne Faroole, waxay muujinaysaa sida uu uga xumaaday go’aanka ay Beelaha Warsengeli taageeradooda si rasmi ah ugala wareegeen maamulka puntland.
waxgaradka reer Sanaag, waxa si weyn u soo dhaweeyay shacabka iyo maamulka Somaliland oo magaalo kasta oo ay soo marayeen jidadka kaga hortagayay, waxaanay hadda ku suganyihiin magaalada Hargeysa iyagoo kulamo la leh xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.