Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Eritrea Oo Sheegtay Ineysan Al-Shabaab Wax Xiriir Ah La Lahayn

Tuesday - October 9, 2012

Web Somaliweyn:Dowladda Eretea ayaa golaha amaanka ee QM ka dalbatay in laga qaado cunaqabateyntii la saaray sanadkii 2009-ka maadaama lagu waayay eedeymihii loo soo jeediyay oo aheyd in taageero maalyadeed iyo mid militeria ay siiso xarakada Al shabab.

Dalabkan ayaa dowladda Ereterea waxa ay ku muujisay warqad ay u qortay golaha amaanka ee QM oo ku taariikhsaneyd 27 September balse warbaahintu ay heshay saacadihii la soo dhaafay .

Dowladda Eretrea ayaa fariinta ay u dirtay golaha amaanka ee QM waxa ay ku sheegtay maadaama guddiga dabagalka ee QM ay soo ogaadeen inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dowladda eretrea ay hub ku taageertay al shabab , waxaa dowladda Eretrea ay dalbaneysaa in laga qaado cunaqabateynta la saaray.

Dowladda Eretrea oo ku taala badda cas ayaa wadamada qaar ee ku yaala bariga africa waxa ay ku eedeeyeen in taageero buuxda ay siiso xarakada al shabab balse markii warbixin QM guddigeeda baaritaanada ay soo saareen ay ku sheegeyn in eedeymaha Eretrea loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.