Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Shirkadi Saracen Ay Soo Kireysatay P/land Xad-gudub ku Ahayd Cuna-qabateynta Oo Gobolka Isaga Baxday

Sunday - October 7, 2012

Garoowe-Shirkadda Saracen oo ay leeyihiin shaqsiyaad Cadaan ah oo ka soo jeeda dalka Koonfurta Afrika horeyna uga mid ahaan jiray ciidamadii dowladii hore ee Koonfur Afrika, ayaa laga qaaday qandaraaskii lagu siiyey tababaridda ciidamada Puntland kaasoo lacagtiisa ay bixin jirtay dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta UAE-da.
 
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyey in shirkadda Sarancen lagu amray inay ugu dambeyn bishan aan ku jirno dhamaan qalabka iyo ciidamada ka jooga deegaanada Puntland ka rarato, iyadoo  arrintan si weyn wax uga qoreen Jaraa’ idka ka soo baxa dalka Koonfur Afrika.
 
Mr. Lafras Luitingh oo ah madaxa shirkadda Saracen ayaa sheegay in laga qaaday qandaraaskii Puntland ay shirkaddiisu ka qaban jirtay “Howlihii aynu ka wadnay deegaanada Puntland way soo afjarantahay ka dib markii maamulka Puntland uu amar nagu siiyey inaan ka baxno deegaanadooda, isla markaasna aan ka gurano alaabooyinkeena, runtii ma garankarno sababtaasi” ayuu yiri
 
Shirkadda Saracen ayaa dhawaan lagu xusay qoraalkii Guddiga Qaramada Midoobay ee qaabilsanaa arrimaha cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya {The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring}, iyadoo qoraalkaasi lagu sheegay in shirkadan ay jabisay dhamaan cunaqabateyntii saarneyd dalka Soomaaliya.
Qandaraaska la dagaalanka burcad badeeda oo ay maalgelisay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ahaa in shirkadan ay tababar siiso ciidamada badda ee Puntland, balse shirkaddan ayaa la sheegay inaanay halkaasi ku ekaan, balse ay hub iyo waliba gaadiid dagaal ay la soo gashay gudaha.