Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Shirkadi Saracen Ay Soo Kireysatay Puntland Xad-gudubka ku Ahayd Cuna-qabateynta Oo Gobolka Isaga Ba

Sunday - October 7, 2012

Garoowe-Shirkadda Saracen oo ay leeyihiin shaqsiyaad Cadaan ah oo ka soo jeeda dalka Koonfurta Afrika horeyna uga mid ahaan jiray ciidamadii dowladii hore ee Koonfur Afrika, ayaa laga qaaday qandaraaskii lagu siiyey tababaridda ciidamada Puntland kaasoo lacagtiisa ay bixin jirtay dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta UAE-da.
 
Todobaadkii la soo dhaafay ayaa la xaqiijiyey in shirkadda Sarancen lagu amray inay ugu dambeyn bishan aan ku jirno dhamaan qalabka iyo ciidamada ka jooga deegaanada Puntland ka rarato, iyadoo  arrintan si weyn wax uga qoreen Jaraa’ idka ka soo baxa dalka Koonfur Afrika.
 
Mr. Lafras Luitingh oo ah madaxa shirkadda Saracen ayaa sheegay in laga qaaday qandaraaskii Puntland ay shirkaddiisu ka qaban jirtay “Howlihii aynu ka wadnay deegaanada Puntland way soo afjarantahay ka dib markii maamulka Puntland uu amar nagu siiyey inaan ka baxno deegaanadooda, isla markaasna aan ka gurano alaabooyinkeena, runtii ma garankarno sababtaasi”.
Shirkadda Saracen ayaa dhawaan lagu xusay qoraalkii Guddiga Qaramada Midoobay ee qaabilsanaa arrimaha cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya {The UN’s Somalia and Eritrea Monitoring}, iyadoo qoraalkaasi lagu sheegay in shirkadan ay jabisay dhamaan cunaqabateyntii saarneyd dalka Soomaaliya.
Qandaraaska la dagaalanka budhcad badeeda oo ay maalgelisay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ahaa in shirkadan ay tababar siiso ciidamada badda ee Puntland, balse shirkaddan ayaa la sheegay inaanay  halkaasi ku ekaan, balse ay hub iyo waliba gaadiid dagaal ay la soo gashay gudaha Soomaaliya oo ah wadan cunaqabteyn dhanka hubka ah ay saarantahay tan iyo sanadkii 1991-dii.
Somaliland ayaa sanadkii 2011  ayaa dacwad ka dhan ah Shirkadaasi iyo Maamulka Faroole u gudbisay Qaramadda Midoobay, gaar ahaana Golaha amaanka iyo Guddida daba-galka cuno-qabateynta Hubka ee somaliya, taasoo dhawaan wefti xaqiiqo raadis ah u soo dirtay Garoowe iyo Boosaaso.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr, Maxamed Cabdi Cumar oo xalay wargeyska Waaheen Khadka Taleefoonka kula xidhiidhay si aanu arintaasi wax uga waydiino ayaa sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan taalada Saracen lagaga saaray Puntland “arintaasi waanu soo dhaweynaynaa waana war fiican oo nabad-gelyada Mandaqadan wax ka taraya, aniguna sanadkii 2011 ayaanu shirkadaasi dacwad ka dhan ah u gudbinay qaramada Midoobay, gaar ahaana Golaha amaanka, waxaanan arintaasi iska kaashanay Guddida xakamaynta Hubka”ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Somaliland sanadkii 2011 waxay qabatay diyaarad ay shirkadaasi leedahay oo agab u siday, taasoo aanu ugu yeedhnay Khubaro caalamiya , waxaanay ka mid ahayd waxyaabihii aanu dacwadaasi ugu lifaaqnay Golaha amaanka”ayuu yidhi.
Mar aanu waydiinay in Qaramada midoobay  Dacwadaasi uga soo jawaabeen iyo in kale waxa uu ku jawaabay “haa way nooga soo jawaabeen, fadhibaanay ka yeesheen oo way cambaareyeen,  waxaanay noo sheegeen inay arintaasi khatar weyn ku tahay mandaqadan oo cuno-qabatayn hubka ahi saarantahay”ayuu yidhi.
Dhinaca kale , Joogitaanka Saracen ee Puntland ayaa khatar badan ku ahayd Mandaqada Geeska afrika gaar ahaana Somaliya, iyadoo cabsida ugu badan ee laga qabay ay ahayd inay  Saanad milateri oo culus gacanta u geliso Maamulka Faroole ee aan cagaha adag ku taagnayn.
Hubkaasoo laga wer-wersanaa inuu gacanta u galo Raiydka hadii xaalad siyaasadeed gobolkaasi la curato iyo in Ciidamada Faroole shacbiga u adeegsadaan Hubkaasi.