Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

War Deg Deg Ah: Waxaa La Magacaabay Cabdi Faarax-Garaad " Saacid"

Saturday - October 6, 2012

Muqdisho : Waxaa goor dhaweyd si rasmi ah loo baahiyey in Madaxweyne Xasan Sheekh u ku dhawaaqay Riisal Wasaaraha xukuumada dalka hogaamin-doonta
 
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa saacado ka hor qabtay shir jaraa’id u kaga hadlay Qasriga madaxtooyada isagoo ku dhawaaqay in Cabdi Faarax Shirdoon Garaad uu yahay raysul wasaaraha dalka.
 
Madaxweynuhu wuxuu u rajeeyay raysul wasaaraha cusub inuu ku guuleysto dhismaha xukuumad tayo leh oo dalka ka samata-bixiyo marxalad adag ee uu ku jiro.
 
Magacaabida raiisal wasaaraha waxaa xafladaas goob joog ka ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Digtor Maxamed Cismaan Jawaari iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka.