Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Yaa Loo Doortay Madaxweynaha Somaliya

Tuesday - September 11, 2012

Mogadisho-Doorashada madaxtiminasda Somaliya aya soo gaba-gabowday waxaana natiijaa in Madaxweynaha somaliya loo doortay Xasan sh. Maxamuud oo ah Nin ku cusub saaxadda Siyaasadadda somaliya.
 
Xasan ayaa ku guulaystay Codad ka badan 190 Cod oo ah tiradii ugu badan ee laga doonayay MUSHARAXA madaxweynaha, halka shariif sh. Axmed oo la tartamayay uu helay 80 cod codadka ila hada la tiriyay.
Madaxweyne shariif aaya wajigii hore e doorashada ku guulaystay 64 cod,  Xasan Sh. Maxamuud oo ah nin ku xiga ayaa isaguna ku guulaystay 60 cod, halka Cabdi wali Gaas  helay 30 cod, iyadoo kaalinta afaraadna MMusharaxa galay uu helay 27 cod.
Intii aan loo gudbin wareega labaad ee doorashada ayaa waxa tanaasulay labadii musharax ee kaalinta saddexaad iyo ta afaraad ku kala jiray, kuwasoo sheegay in doorashadu si cadaalad ah ku socoto, kuna kalsoonyihiin natiijada ka soo baxday wajigii koowaad.
Xasan Sh. Maxamuud oo ah ninka  hada ku guulaystay Madaxweynaha somaliya ayaa ah nin  mudo dheerna ka soo shaqaynayay Hay’ada Caalamiga ah iyo kuwa muxaliga ah ee somaliya , isla markaana bare ka soo noqday Jaamacad ku taala muqdisho.
Waxa uu dhashay sanadkii  1955, waxaanu ku soo bar-baaray Magaalada Muqdisho oo uu ku soo qaatay guud ahaan aqoontiisii kala duwanayd ee Waxbarashada hoose ilaa heer Jaamacadeed, ka hor intii aanu waxbarasho u tegin dalka indiya oo ka soo qaatay shahaado jaamacadeed.
Jibriil oo ka mid ah ragii ay mudada dheer soo wada sahqaynayeen ayaa ka wasramay inta uu ka yaqano Xasan  “hawlaha nabadeynta ayuu mudo dheer ka soo shaqaynayay, dadkuna isbedel  ayay u baahanyihiin Xasaana waa Nin Xadaarad dheer sameeyay”.
Xasan Maxamuud waxa uu mar uu hadlay u sheegay inuu Raysal-wasaare u dooran doono Maxamed Cabdilahi Farmaajo oo ah Nin kalsooni badan ka haysta shacbiga somalida, isla markaana kaalin muhiim ah ka soo qaatay iebedelka siyaasadeed ee somaliya ka dhacay labadii sanadood ee ugu dambeeyay.

Sanadkii 2011ka ayuu aasaasay Ururka NABAD IYO HORUMARINTA ee uu tartanka ku galay, waxaanu si aan muuqan uga mid ahaa 25 musharax oo isu soo taagay Madaxweynimada somaliya, taasoo hada dhalin doonta arin lama filaan ah iyo waji siyaasadeed oo lama filaan ah.
Ninka uu sheegay inuu Raysal-wasaare u dooran doono ee Maxamed Farmaajo ayaa  Xaga Internet-ka marka la eego Bogaga warbaahinta afka sopmaliga ku warama meelo ay u sameeyeen in dadku ugu kala codeeyaan musharixiinta tartamaysa, isaugu ugu horeeya , kaasoo dad badani aaminsanaayeen inuu noqoqnayo madaxweynaha cusub ee Somaliya.