Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Ciidamada Bada Kenya Oo Duqeysey Magaalada Kisimaayo Ee Marsada Leh

Tuesday - September 4, 2012

Galdogob Times- Kisimayo- Afhayeenka u hadlay ciidanka Kenya, Kolonel Cyrus Oguna ayaa BBC u xaqiijiyay in ciidanka badda ee Kenya ay duqeeyeen magaalada Kismaayo. Waxaanu sheegay in ay qeyb ka tahay dagaalka lagu doonayo in lagu xoreeyo al-shabaabka ku habsaday magaaladaas
Dadka deggan magaalada Kismaayo, oo ay gacanta ku hayaan kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ayaa BBC u sheegay in xalay magaalada laga soo duqeeyay dhinaca badda.
Dadka deggaanku waxay sheegeen in duqayntu ay ka timid maraakiib dagaal badda taagan.
 
Afhayeenka ciidamada Kenya, waxa uu ka gaabsaday xilliga ay ciidanka Kenya oo ka mid ah kuwa AMISOM ay geli doonaan magaalada.
Dhinaca kale waxaa la sheegay in Ciidamada militeriga ee Kenya ay isu diyaarinayaan dagaal ay ku qaadaan magaalada waxayna sheegeen Dadka magaalada in ay dhawr madfac ku soo dheceen dekedda iyo garoonka dayaaradaha ee magaalada, isla markaa waxaa jira warar sheegaya in al-Shabaab ay dib isku qabanqaabinayaan si ay u difaacaan magaalada Kismaayo hasa ahaate dadka magaalada ayaa qaba in difaacooda usan wax micno lahayn haddi ciidamada rigliga iyo kuwa somaalida ay soo weeraraan aagaga ay ku jiraan