Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Ciyaarti Finaalka Oo Looyar Xoosh Kubadi Shabaqa Ku Jaray Iyo Digtoor Yaasin Sh.Oo Taag Cas ku Baxay

Monday - August 13, 2012

GaldogobTimes- Mogdisho: Waxaa shalay galab ciyaarti fiinaalka kubadi la isku waajahay ay ku dhamaatay markii looyar Xoosh Jibril si muran li'i ah uu kubadi laad sidi gantaal oo kale shabaqi goolka kaga jaray dabadeedna guushi u soo galbiyey awgeed madaxdi guurtida tolkiisa halyeynimo roog cas u dhigeen una caleemo saareen Taajki xil-dhibaanka .. Looyar Xoosh oo jaaniska gool-dhalinta ku helay ka dib marki kooxdi waajahaysay laba ka mida iyagoon ka war qabin in lagu soo maqanyahay calanki casaa loo taagay oo ay ciyaarti kaga baxeen si dilindila ah. 

Isku soo wada duu-duub Labada seefta lala helay oo Ciyaarta laga saaray waa digtoor Yaasin Shiikh Muuse iyo C/risaaq Axmed Shoole oo maalmihi hore kooxda xulka ciyaartooyda ka mid ahaa , waxaana halkoodi lagu badalay Looyar Xoosh oo loogu xushay goolka qaran u dhaliyey iyo taageerada beesha caalamka oo u jidbeysan inu helo xubinta baarlamaanka, sidaa daraadeed kooxda xulka ciyaarta ee shanta xil-dhibaan noqday shalayna la caleemo saaray, iyadoo liiski magac-yadooda isla shalay galab loo gudbiyey gudiga hubinta xildhibaanada waxayna kala yihiin :

1- Looyar C/Raxmaan Xoosh Jibriil,  Digtoor C/qaadir C. Xaashi ( Gaabane) Digtoor Cali Ameerka, Digtoor Ciise Guraase, iyo nin magaciisa aan liqsanahay oo ku naaneysan Fadheeye-reer Xirsi Muumin ah, ninkaasoo marki hore xulka xildhibaanada galay dabadeed dib mar kale laga ceshaday .. waxaa xusid mudan in meesha ay Gabar ka maqantahay oo sida aan maqlay xal ahaan gudiga hubinta liiska ku aqbalay oo micnuhu yahay haddi Xoosh liiska ku jiro maqnaasho gabar shido ma leh amase waa aqbal, waxaana jirta beelo badan iney soo gudbiyeen liiskoodi oo aysan ku jirin gabdho oo hadana laga aqbalay .. illa hada tirada gabdhaha xil-dhibaan ahaan la soo gudbiyey boqlkiiba wa 16% .. waxaase jirta gabdho leelkase qaarkood oo lagu shukaamiyey xubinta baarlamaanka ee gabdhaha hasa ahaate yiri tolkayaga rag bey rabaan ee iyaga ha la siiyo. 

Dhinaca kale waxaa war la hubo lagu sheegay in Raga liiskaan looga tagay sida Digtoor Yaasin Shiikh Muuse si il-jabin ah loogu ballan qaadi-doono in qofki hela jago wasiir u isla markiiba uga tanaasulo xilka xildhibaanimada, amase lagu maamuuso darajo Safiir iyo wax la mida taaso hawlgalkeeda ay ballanqaadeen inta badan ee xildhibaanadi la xushay