Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 2 May 2024

Wasiiro Somaliland Ah Oo illa Hadda Raacdeysiga Xagla-toosiye Ku Jira Iyo Xog Sheegeysa Iney Ku ....

Monday - August 6, 2012

Galdogob Times- Xigasho-Waaheen- Koox Wasiiro ah oo saaka u kalahday inay Hogaamiyaha Jabhadii SCC xagla Toosiye soo dhaweeyaan ayay wararka na soo gaarayaa sheegayaan inay ku Guul daraysteen inay soo helaan.
Ilo wareedyo Waaheen heshay ayaa cadeeyay in Xagla toosiye beeshiisu ku ilaalinayso magaaladda Buuhoodle oo ay u diideen inuu ka soo baxo oo uu wasiiradaasi u tago, iyagoo Ciidamo Maleeshiyadda Buuhoodel jid gooyooyin loo dhigay meelo ka baxsan magaaladda si aanu Xagla toosiye fursad uu ku baxo aanu u helin.
Wasiiradda Somaliland ayaa tan iyo saaka meeraysanayay jiida Buuhoodle iyo Burco u dhaxaysa hase yeeshee wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray weftigaasi waxay sheegayaan inay ku soo guryo noqonayaan goor dhaw magaaladda Burco.
Si kasta ha ahaatee waxasi weyn Bulshadu manta isku weydiinaysaa sababta wasiiro tiradaas lihi ugu mashquulsan yihiin Xagla toosiye oo aan wakhtigan taageero badan beeshiisa ka haysan. Inkasta oo ay dadka qaarkood soo dhaweynayaan dedaalka ay xukuumaddu ugu jirto sidii ay u soo dhaweyn lahayd beesha Buuhoodle iyo beelaha kale ee barriga Somaliland ee saluugsan nidaamka maamul.