Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Cisbitaal Dilay Ilmo Yar Oo Waalidkii Bixin-kariwaayey Hal Doolar By Kamal A. Ali

Tuesday - July 31, 2012

Galdogob Times: India- Masuuliyiinta dalka India ayaa ku gudo jira baaritaanka eedo nin aabo ahi ku soo oogay cisbitaalka guud ee dawladda oo la xiriira in si ula kac ah ay dhakhaatiirtu u bakhtiiyeen mishiinka koronta oo ah mishiinka lagu hayo carruurta dhasha sidkooda ka hor, kadib markii uu aabahani awoodi waayey in uu iska bixiyo kharashka mishiinkaas oo ah 200 oo lacagta dalkaas ee Rupee-ga la yiraahdo ah, taas oo u dhiganta Saddex iyo bar doolarka Maraykanka ah.
 
Cisbitaalka dawladda ee degmada Jalandhar ee gobolka Punjab oo ku yaalla woqooyiga galbeed ee dalka India ayaa ilmahan yar ee dhadig ah oo dhalatay sidkeedii ka hor waxa uu ku riday tallaagada loogu tala galay carruurta noocan ah in lagu hayo maalmo, waxaanay masuuliyiinta cisbitaalku ka dalbadeen waalidka inantan yar in ay bixiyaan lacagtan oo ah kharashka mishiinka korinta.
Sanjeev Kumar oo ah inanta yar aabaheed ayaa warbaahinta ugu warramay sidan, “ Waxa aan ka baryey shaqaalihii gacanta ku hayey tallaagada in ay ilmahan yar iigu hayaan mishiinka, aniga oo u sheegay in aanan haysan lacag aan kharashka iskaga bixiyo, laakiin waa ay iga diideen. Xataa in ay hadalkayga dhegeystaan waa ay diideen oo ilmihii yaraa way ka saareen mishiinkii, sidii ayaanu ilmihii ku dhintay habeenkii arbacada (Toddobaadki dhowaa)” Aabahan jeeb marnidu sabab u noqotay in uu ilmihiisa waayaa, waxa uu isaga oo aad u murugaysan yiri, “ ilmahaygii yaraa waxa uu u dhintay Laba boqol oo rupee awgeed” Wasiir goboleedka caafimaadka oo lagu magacaabo Madan Mohan Mittal oo arrintan u saaray guddi baaritaan ayaa ku hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono shaqaalaha cisbitaalka ee lacag awgeed ilmahan yar bannaanka uga soo dhigay mishiinka.