Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Muran Ka Taagan Dawlada Shiinaha Iyo Mareykanka

Saturday - July 28, 2012

Muranka Shiinaha Iyo Maraykanka U Dhexeeya Ee Jasiirada Ku Yaalla Badda South China Sea Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Iska Horimaad Milatari Oo Laga Cabsi Qabo + Dalal Hor Leh Khilaafka Ku Biiray.

  Hainan(Ramaas) July, 28, 2012-  Dawlada dalka Shiinaha  ayaa xoojisay xiisada ka aloosan   Jasiiradaha ku yaalla badda South China Sea, iyada oo laga cabsi qabo iska horimaadyo  hor leh oo dhexmara labada  dal  ee Maraykanka ee Shiinaha oo ku muransan lahaanshaha  Jasaa’irkaas .

 

 

 

Maraykanka ayaan  la ogayn jawaabta uu ka bixi doono arrintaas, iyada oo xukuumada Beijing maamulka Madaxweyne  Obama ku eedaysay  in ay hortaagan yihiin awooda soo shaacbaxaysa ee Shiinaha, isla markaana ay uu mijaxaabinayo  heshiis diblumaasiyadeed oo laba saanno ka hor ay gaadheen laba dawladood .

 

 Maraykanka ayaa sannadkii 2010-kii soo jeediyya heshiis  nabadeed  laga gaadho  Jasiiradaha  badda Pacific-Asia oo  ay sida kale khilaafka taagan ay   qayb ka yihiin  5  wadan  oo ku yaalla Koonfur Bari Asia,kuwaasoo ay ugu horeeyaan dalalka The Philippines iyo Vietnam  oo sheeganaya dhulkaas.

 

 Laakiin  xiisada ayaa cirka isku shareertay toddobaadkan markii Calanka dalka Shiinaha laga taagay xarunta dawlada hoose ee degmada Sansha oo ka tirsan Jasiirada Yongxing  oo illaa 220 Ml   dhanka Koonfureed  uga   jirta Jasiirada Hainan oo Shiinuhu leeyahay ,iyada oo deegaankaa baddeedkaasi uu qani ku yahay khayraad kala duwan.

 

 Shiinaha ayaan  awoodayn in uu milatari tiro badan geeyo dhulkan  oo aadka u yar, oo ku nool yihiin dad lagu qiyaaso 1,000 qof oo kaliya, laakiin Beijing waxa ay sheegaysaa  in  dawlada hoose  ay maamuli doono dhul baaxadiisu dhan tahay  kumanaan KM oo laba jibaaran.

 

 Magaalada  Washington    sharcidejiyaasha Maraykanka  ayaa ka hadlay dhawaan danaha siyaasada Qaarada Asia,, waxaana uu John Mcain oo ka tirsan oo aqalka duqaydu  soo jeediyay in  talaabo la qaado, xilli war-warka laga qabo Shiinuhu uu sii xoogaysanayo.

 

Madaxweyne Barack Obama ayaa isna dhankiisa  u muuqan in dabacsanaan u muujin doonin xukuumada Beijing , maadaama uu dagaal ugu jiro in dib loo soo doorto mar kale, halka ninka  ay tartamayaan ee xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney uu  Madaxweynaha talada haya ku eedeeyay in   uu nugul yahay dhanka Beijing, isaga oo wacad ku maray   inuu go’aan adag ka qaadan doono  xidhiidhka dalkaas.

 

 Maxamed Boosh.

 

 Source: AP