Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Avv. C/Raxman Xoosh Jibriil Oo Dubbe Weyn La Soo Kacay Su U Helo Xubinta Golaha La Cusbooneysiinaayo

Saturday - July 28, 2012

Galdogob Times- Mogadisho: Qareen ahna wasiirka Dastuurka Jamhuuriyada Somaaliya Mudane C/Raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta afarti galabnimo isu xayd-xayday shir ujeedadiisa looga hadlay muraad ku qotoma inu wasiirka isu soo sharaxo ka qayb galka xildhibaanada beesha ee maalmahaan la xulaayo, sidaa daraadeed ayuu galabta isugu yeeray jilba culusta Duqeyda tolka, indheer-garad, digtooro iyo abwaano,hooyooyin, dhallinyaro iyo dabcan ikhyaarta duubabka haybta Leelkase ee ku sugan magaaladan Mogdisha halkaasoo goobta madasha shirka u ka dhacay ay ahayd hotel ambassador ee bilahaan dambe hooyga u ah Ugaaska Maxamuud Iyo ismada kale ee beesha ..  Bulshada iyagoo si gacalnimo ah ku ajiibay codsiga wasiirka waxaa goobta soo xaadiray tiro qiyaaso illa lixdameeyo Qof oo xul ahaan ku yimi, isla markaa waxaa goobta hoolka shirka isna marti sharaf ka ahaa wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdullaahi Goodax oo isagu si gaara ay jaal u yihiin .. goobta shirka inti istaqaanay waxay isku muujiyeen hilow iyo boholyow badan, hasa ahaate inti aan aragti hore isku lahayn waxay isku qaabilayeen waji-furnaan iyo laab-fiyoobi

Wasiir Godax oo majliskaan uga soo qayb galay inu wax ka waasteeyo ololaha u ku jiro Mudane Xoosh ee u ku doonaayo in la saaro Taajka xildhibaanimada oo markaasna warbixinti Xoosh iska bixiyey kadib hadalka qaatay ayuu si weyn ugu nuux-nuuxsaday maratabada iyo qiimaha taariikheed iyo magaca dheer ee mudane Xoosh u caalamka guul uga soo hoyiyey iyo gaar ahaan somaaliya taaso u sheegay in sifaha u maratabadaas u ku gaaray ay tahay sida aqoonta dheer u hogaanka ugu qabtay falkinta dastuurka cusub ee dalku yeelanaayo, iyo sida caqli salimka ah u wax uga qabtay dastuur tawfiiq yeeshay ee aan ciladeysneyn, sidaa daraadeed ayuu hadalkiisi si raaciyey in mudane Xoosh beeshu u tixgaliso sharafta iyo magaca dibu soo noleynta mustaqbalka wanaagsan ee soomaali uu u horseeday   .. mar kale oo u hadalkiisa soo koobayey ayu yiri; Ummada reer leelkase waa makhluuq illaahay ka kor yeelay gar-daro iyo xaq la aaso, beeshu waa ummad aad u samir badan oo dulqaadkooda iyo garashadooda aad u weyntahay, waa nabad jeclyihiin kumana dagdagaan colaad iyo qas dhibaato ay ka dhalato  .. saas oo ay tahay ayuu yiri wasiirka haddana kama macaashaan wixii soohdintooda soo gala sababto ah daacdnimada ay yihiin ayuu hadalkiisi iyo salaama ku soo gabagabeeyey.

Isla markaa waxaa isna goota fadhiyey siyaasiga mudane Maxamed Cali-xaashi Maxamuud oo isna hadalkii wasiirka ka dabaqaatay waxuuna mahad iyo ammaan u soo jeediyey Wasiir Godax hadaladi wacdarada qiimaha lahaa u ka sheegay mudane Xoosh oo isagana waa Maxamedee u ka markhaati kacay in fasiirada u wasiir Godax ka bixiyey ay tahay xaqiiqa aan cidna inkiri-karin, waxaa u isagana dhiniciisa ka yiri in sifahaan qiimeynta u la yimid Xoosh ay tahay mid abaallmarinteeda u taala guud ahaan beesha leelkase iyadoo looga fadhiyo si gaara in Ugaaska iyo wixi talo la leh ay mudnaata siyaan Mudane Xoosh .. Mudane Xoosh waa macallin cilmigiisu na anfacay .. waa nin aqoontiisa Rag ku quusiyey .. Sidaa awgeed waa in Xubinta Reer Maxamed Muumin u ka soo jeedo illa waa ilaawa si xaqa oo miisaaman u wax ka helo ayuu yiri Maxamed Cali Xaashi

Maxamed Cali Xaashi mar u hadlkiisa si watay ayuu xagaa iyo mdaxiisa u jaleeciyey dhinaca Ugaaska fadhiyey iyo suldaamada beesha isagoo gacanta wax tilmaamaya waxuu yiri Ugaas Maxamuudow haddi aad noo keentaan kuwa laf dhuun gashay nagu noqda iyo haddi aad keentaan kuwa lagu nasto waa laydin Mina fadhinaa .. waxuu yiri leelkase waa soo kartay wax la iska jikraaro iyo mucaaradnimo aan cilmi ku dhisneyn, fajac abuur,war xume, kala dile, isku dire, laba wajiile, isbadal doon ku sheeg kursi doon ah, hoos yaac .. horay baa wax badan aan been isu sheegnay kadibna kun jeer rag nagu luq-luqdeen .. ugu dambeyn maxamed ayaa hadalkiisa ku soo xiray oo yiri.; Ugaas iyo suldaan ma dooneyno in nalo caleemo saaro dhurwaayo dey-dey ah jabatka taagan, dhraqsanaya oo hadhow na cuni-doona, waana in kun jeer Digtoorka Cabdiraxmaan Xoosh isaga iyo wixi la mida la tix galiya oo la eego misaanka culus u ku leeyahay masraxa siyaasada caalamka iyo tan soomaalidaba

Maxamed Cali ka dib shakhsiyaad badan oo shirka fadhiyey ayaa ninba sida ay la tahay hadaladi ay jeediyeen isugu jiray kuwa waxa afkooda ka soo baxay ujeedo iyo ka jeedo aan lahayn iyo laguma dhaame iska hadal kuwaasoo inta badan musharaxnimada wasiirka Xoosh ku naqdinaayey beel ahaan wax nooma qaban, dhinaca kale kuwa aan yareysan ayaa hadalkooda ku saleysnaa taageerida iyo u hiilinta musharaxnimada Mudane Cabiraxmaan Xoosh