Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Xog Iftiimineysa Sababta Al- Shabaab U Toogatay Mukhtaar Xamaraawi

Thursday - July 26, 2012

Galdogob Times News Desk- Kooxda Al-shabaab ay doraad meel fagaare ah ku toogatay sadex dhalinyaro ah oo ay ku Eedaysay inay u basaasayeen Sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska
Sadexda Dhlainyaro waxaa ka mid ahaa Wiil la oran jiray Mukhtaar Ibraahim Axmed (Xamaraawi), kaasoo ay Mareegaha Wararku qoreen inuu Reer Hargeysa ahaan jiray

Hadaba Xogo soo gaaray warbaahinta qaarkeed ayaa lagu tilmaamaya in sheegashada Kooxda Al-shabaab ku khaarajisay ninkaasi ayaa sheegaya macluumaadka ay u food saaraynayaan inuu ahaa Basaas u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriiska, isla markaana hawlgalo uu kala shaqeeyay awgood ay Diyaaaradaha iswada ee dalalkaasi ay ku dileen xubno muhiim ka ahaa Ururka Al-shabaab, kuwaasoo meelo kala duwan lagu Dillay.
 
Hadaba Macluumaad aan dhamaystirnayn oo la helay ayaa tilmaameysa in sababta ay Al-shabaab u khaarajisay Wiilkaasi ay tahay in dabayaaqadii 2009-kii Mukhtaar Xamaraawi ka mid ahaa Afar dagaalyahan oo Al-shabaab ay u soo dirtay hawlgal laga fulinayay dhinaca Somaliland, balse la qabtay iyaga oo marakaas soo gaaray magaaladda Hargeysa.
 
Xogtani waxay sheegaysaa in markii la qabtay Afrata nin oo sadex ka mid ahi ay ahaayeen Rag u dhashay  konfurta Somaliya iyo Muktaar oo garwadeen ka ahaa dedaalo la sameeyay awgeed uu Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Wakhtigaasi oo ahaa C/laahi Cirro oo ka mid ahaan jiray saraakiishi Nssta ee gobolka banaadir ( Godka) sii daayay Marxuumka iminka ay Al-shabaab dishay oo iyaga ka mid ahaa.
 
Lama oga ilaa hada wakhtigaasi sababta ay Xukuumaddii Rayaale u sii daysay Marxuumkaas ay Al-shabaab iminka dishay iyo halka ay ku danbeeyeen toona sadexdii dagaalyahan ee kale ee la socday, laakiin sida ay u food saaraysay kooxda Al-shabaab Dilkooda hadda loo aanaynayo inay ka dhalatay sii dayntiisii oo la tuhmay.
 
Sii dayn tiisii kadib waxa ay wararku sheegayaan Mukhtaar Xamaraawi inuu ka goostay Kooxda Al-shabaab, waxaanu ku sii nagaaday Hargeysa maadaama Xukuumaddii talada wakhtigaas haysay sii daysay, balse kooxda Al-shabaab ilaa wakhtigaas waxay ka qaadatay dareen ah in uu u gacan galay kooxaha Sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, isla markaan uu bixiyo xogaha iyo Sirtooda.
Inkasta oo ay isha ku hayeen kooxahaasi dhaqdhaqaaqa Mukhtaar hadana umay suurtogelin inay talaabo ka qaadaan, laakiin si lama filaan ah ayuu Mukhtaar u yimi magaaladda Muqdisho kadib markii laga saaray kooxihii Al-shabaab ee mudada ka talinayay, isagoo la sheegay inuu u tagay si uu qoyskooda ugu soo iibiyo Dhul banaan iyo Guryo ay ku lahaayeen.
Hase yeeshee taasi waxay kedin iyo is-dhigasho ku keentay Mukhtaar Xamaraawi, waxaanay Maalmo ka mid ah toddobaad uu halkaas joogay kooxda Al-shabaab ku haysay dabagal, iyagoo markii danbe Xamar gudaheeda ku af-duubay Mukhtaar iyo Wiil ay Inaabti ahaayeen oo u dhashay Muqdisho, iyagoo wakhtigaasi gaadhi yar wata badhtmaha magaaladda.
Isla markiiba Kooxa Al-shabaab waxay If-ka ka qariyeen Mukhtaar oo ay si weyn u doon doonayeen halka ay iska sii daayeen gaadhigii iyo Ina-abtigiiba, waxaanay Eheladiisu dadaal badan u gashay sidii ay uga furdaamin lahaayeen, balse kooxda Al-shabaab marna gor-gortan kamay gelin sii dayntiisa
.
Al-Shabaab iyagoo uga Aargudaya Sadexdii Nin ee la socady ee ay Somaliland qabatay iyo Saraakiishii Diyaaradaha iswadaa ku laayeen ayey taas awgeed goob fagaare ah ku khaarajiyeen isaga waa Xamaraawiye iyo laba Marxuum oo kale oo ay Eedo la mid ah kuwiisa u tuhunsanaayeen.