Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Khilaafka Ururka Xarakatu Islaax Oo Cirka Isku Shareeray

Tuesday - July 24, 2012

Muqdisho - Khilaafka u dhaxeeya kooxda Islaamiga ah ee Xarakatu Islaax , ayaa maraya meel xasaasiya ,iyada oo hadalo kulul warbaahinta ay  isku dhaafsadeen  laba garab ee fadhigeedu yahay Magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

War qoraal oo maant laga soo saaray Magaalada Muqdisho , ayaa lagu  sheegay  kooxdaas ay aad uga xun tahay  hadalo maalintii shalay ka soo yeeray Sheekh Maxamed Nuur Garyare oo ku sugna Magaalada Hargeysa

Waxaana uu qoraalkan oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha ururkaas ee garabkiisa Magaalada Muqdisho Sheekh Cali Baashe u dhignaa sidan:

"Waxaa layaab ku noqotay dhammaan xubnaha ururka iyo maamulladiisa kala duwan wargeysigii uu laanta afka Soomaaliga ee BBC-da siiyay Sheekh Maxamed Axmed Nuur taariikhdu markay ahayd 23-kii Luuliyo 2012; kuna sheegay inuu kala diray mas'uuliyiinta iyo golayaasha ururka, isaguna iskiis isugu magacaabay inuu yahay madaxa KMG ah ee ururka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Islaax.

Dhanka kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in ururku uu u caddeynayo dhammaan xubnihiisa iyo bulsho-weynta Soomaaliyeed qodobbada soo socda:

In Sheekh Maxamed Axmed Nuur  aanu  ahayn af-hayeenka ururka, wax xil ahna  aanu  ka hayn. Hayeesheen waa xubin xarakada ka tirsan oo 22-sano ku nool dalka dibeddiisa, si dhab ahna aan uga warhayn xalaadda ururka.
Warka uu BBC-da ka sheegayna uusan lahayn sal iyo raad, xaqna uusan u lahayn inuu ku hadlo magaca ururka.
Ururku wuxuu leeyahay mas'uuliyiin iyo golayaal go'aamiya siyaasaddiisa iyo arrimihiisa kala duwan.
Ururku wuxuu leeyahay dastuur iyo xeerar nidaamiya sida lagu qato xilalka iyo sida lagu waayo.