Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Bunka Oo La Sheegay In Uu Ka Qayb Qaato La Dagaalanka Gabowga (Duqnimada)

Wednesday - July 4, 2012

Canada By Kamaal Ahmed Ali -- Cilmi baaris caafimaad oo dhowaan lagu sameeyey dalka Canada ayaa lagu ogaaday in walxo Antioxidant ah oo bunka ku jiraa ay si weyn uga qayb qaataan la dagaalanka gabowga amase Duqnimada
 
Digtoor Yazingh Liu iyo David Kitts oo ka tirsan jaamacadda British Colombia labadubana ka mid ahaa khubarada daraasaddan samaysay ayaa sheegay in bunku uu ka hortago astaamaha gabowga ee ka soo if baxa maqaarka sare ee qofka.
Cilmi-baarayaashu waxa ay sheegeen in bunku uu maqaarka sare ka daadiyo unugyada dhintay oo inta badan ah kuwa keena muuqaalka gabowga.