Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shirka habar yoonis

Wednesday - July 4, 2012

Shirka beesha Habar Yoonis ee Daalo iyo aragtida wargeyska Awdalpress.com
July 3, 2012
By staff-reporter
Awdalpress – Daalo – Weli waxa socda shirka beelaha Habar-yoonis, oo bilowgiisii uu mad-madaw badani hadheeyey, waxana socda qudbadihii madax dhaqameedyada, aqoon yahannada, siyaasiyiinta iyo wax garadka kale ee dumar iyo ragba leh. Laakiin weli looma gunda degin nuxurka shirka. Hadallada aftahannimada badan leh ee ay dadkii madasha ka hadlay ay soo jeediyeenna waxa uu u badnaa, guubaabo, soo araarasho iyo gogol dhig. Balse waxa illaa immiga la sugayaa gun-dhigga iyo nuxurka shirku halka uu u socdo.

Beeshan oo ka mid ah beelaha ugu baaxadda weyn dadka dega gobollada Somaliland, ayaa baryahanba aad looga hadlayey sida uu shirkoodu noqon doono amma uu u qabsoomi doono iyo arrimo kale oo badan.

Habar Yoonis waa dad noocee ah?

Beeshani waa mid taariikh ku leh halgannada iyo horumarka ummadda Somaliyeed, waxana lagu yaqaannaa in ay ka mid yihiin dad dhaqanka Somalida aad u xeeriya. Oo aan gardarrada aqoon, xadgudubkana oggolaan isla markaana yaqaanna sida loo garramo. Badi dadkani waxa ay ka soo jeedaan amma badankooduba immiga yihiin geel dhaqato, reer guuraa ah, waxana ay degaan ahaan fidsan yihiin Ceeri-gaabo illaa iyo Hargeysa, waxana ay ood wadaag yihiin beelaha Habar jeclo, Dhulbahante, Ciida Gale, Ogaadeen iyo Habar- Awdal.

Maxamud Ahmed Cali ( aabbihii waxbarashada  casriga ah ) oo kale ayaa ka soo jeeda beeshani, waxa kale oo ay tiro mug leh ku leeyihiin aqoon-yahannada iyo saraakiisha  nooc walba leh ee Somaliyeed. Sidaasi daraaddeed ayey door aad u weyn uga soo qaateen maamulladii Somaliyeed ee dadka Somaliyeed u soo talinayey.

1991 kii markii ay Somaliland beelaheedu guddoonsadeen in ay xor ka noqdaan Somaliya, ee ay samaysteen Jamhuuriyadda Somaliland waxa madaxweyne u noqday Abdiraxman Ahmed Ali oo ka soo jeeda Habar Yoonis, laakiin waxa uu beelaha dhexe ee ay walaalaha yihiin kala kulmay guluf colaadeed, oo  ugu dambayntiina beeshaa dacar la leefsiiyey. Madaxweyne Cabdiraxman Tuurna intii aanu dagaalkii sokeeye  ee lagu qaaday guud ahaanba beelaha Garxajisna waxa uu u huleelay dhinacaa iyo Muqdishu.

Dhib kasta oo beesha ku dhacday, waxa haddana uu wax-garadkeedii iyo shacabkoodii guddoonsadeen taladii nabadeed ee lagu galay Borama, maamulkii dalkana waxa ay isku daba taageen Madaxweyne Cigaal, kaddibna waxa ay gacan saar hoose la yeesheen Madaxweyne Rayaal…oo ay kula kaftami jireen…DHABTII LIBAAXA AYAAD KU JIIFTAAYE, SIDA RAGGA U TALI.

Beeshan waxa lagu xantaa in ay fahamsan yihiin dawladnimada, qabyaaladduna ay muddooyinkan dambe ku soo yaraanayso, oo aanay isugu ururin qabyaalad, sida lagu xanto Habar Jeclada. Beelaha ay walaalaha yihiinna wax ka dhexeeya tartan, waxase aad mooddaa in cabsi laga qabo oo aan la jeclay in ay shiraan amma talo mid ah yeeshaan, fartana waxa lagu godaa tusaale ahaan in  Habar jeclo iyo Habar Awal ay mar walba isku bahaystaan ka hor tagga midnimada HY. Laakiin xilliyadan dambe, waxa gooni ka ah, Ciise Muusaha oo iyaguna doc la isaga xidhay, xanta hoosena la sheego in uu is-faham ka dhexeeyo Ciise Muuse iyo Habar Yoonis  isla markaana uu baryahan dambe aad isku soo tarayo.

Dhinaca siyaasadda Habar Yoonista laguma tiriyo mutaddarif xag jir ku ah siyaasadda Somalilandnimada amma dadka uguma faanaan in ay dhiig u soo  hureen Somaliland amma xarakadii SNM. Saaxiibbo aan aqaannaana waxa ay ii sheegeen in aan loo baahnayn in halgankaa la isugu faano amma issue laga dhigo. Waayo waxa ay aamminsan yihiin in aanay beelaha Somaliland wada taageeri jirin SNM, beelo dareen ka qabaana ay jiraan.

Inkasta oo musuq maasuqu Afrika dishooday, oo aan la odhan karin mas’uuliyiinta Afrikaanku waa ka bari musuqa, haddana haddii Somalida cid uun lagu tuhmi karo caddaaladda waxa loo tiriyaa Qabiilka Gadabuursi oo aan la kala sooc soocin, waxana lagu soo mataaneeyaa Garxajiska gaar ahaan Habar Yoonis. Taa ugama jeedo in ay is le’eg yihiin Garxajis iyo Gadabuursi, oo Makaahiilka Gadabuursi oo kaliya ayaanu Garxajisku nus kaga dhicin, balse waa marka aan raacay sheekooyinka xaqiiqda ah.

Haddaba haddii aan nidhi Habar Yoonis qabyaaladdii way illowday, waxa imanaysa maxaa immiga ay ka shirayaan amma ay u shirayaan?

La soco qaybta labaad.

Awdalpress.com