Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maamulka Axmed Siilaanyo Oo Ku Mashquulsan Xaglo-toosiye Iyo Keyse Cabdi Yuusuf Oo Toolkood Dayriyey

Tuesday - July 3, 2012

Galdogob Times- Xigasho Waaheen – Heshiiska Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la gashay hogaamiyihii kooxda SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa dad badan su’aal ka keeneen waxa wakhtigan laga faa’iidayo.
Saleebaan Xaglo-toosiye oo ah siyaasi qurba-joog ah oo haysta dhalashada dalka Maraykanka isla-markaana hogaamin jiray Maleeshiyaadka hubaysan ee SSC, ayaa waxa noqonaya qofkii labaad ee xukuumadda talada dalka haysaa heshiis nabadeed la gaadho muddo sanad gudihii ah.
 
Saleebaan Xaglo-toosiye oo beesha uu ka soo jeedo ee Sool iyo Buuhoodle ay dayriyeen markii uu ka hor yimid maamul ay kaga dhawaaqeen Taleex dabayaaqadii sanadkii hore isla-markaana Maleeshiyaadkii ka amar qaadan jiray ay hadda hoos tagaan siyaasiyiinta uu ka mid yahay Axmed Karaash, ayaa su’aasha shacabku iswaydiinayaan tahay waxa uu Xaglo-toosiye oo dadkiisii dayriyeen u qaban karo xukuumadda Somaliland iyo kaalinta uu ku yeelan karo nabadgalyada laga baadi-goobayo deegaanada Sool iyo Buuhoodle ee hadda kooxda khaatumo fadhiyaan, awoodna aanu lahayn inuu tolkii dhex taggo oo nabada ku khasbo.
Su’aashaasi dadku iswaydiinayaan oo la waydiiyey ayaa waxa ka jawaabay  Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu ku dooday in Saleebaan Xaglo-toosiye kaalin ku yeelan karo nabada lala doonayo reer Sool “Saleebaan wuxuu diyaar u yahay Madaxweynuhuna diyaar u yahay in laga wada shaqeeyo sidii dadka iyo shacabka deegaanada ku nooli nabada lagu soo dabaalo oo horumarka ay qayb ka qaataan oo Caruurta deegaankaasi ku nooli ay waxbarasho helaan oo si degenaan ah ay ku helaan”ayuu yidhi Cabdilaahi Cukuse oo difaacaya heshiiska xukuumaddu la gaadhay Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye.
 
Inkasta oo su’aali ka taagan tahay waxa Mr Xaglo-toosiye ka tari karo dedaalada nabadgalyada lagaga raadinayo Sool iyo Buuhoodle, ayaa haddana waxa muuqanaysa in xukuumadda soo dhawayn dheeraad ah u samaynayso hogaamiyihii SSC, soo dhawayntaasi oo ah mid deg-deg ah oo xukuumaddu wax badan ku bixinayso sida ka muuqata hadalka Afhayeenka Madaxtooyadda “Saleebaan Xagla-Toosiye xaq-buu u leeyahay in xil loo dhiibo oo waa muwaadin, Xaq baanu u leeyahay muwaadiniinta ayuu ula siman yahay haddii xil loo dhiibana wax u diidayaana ma jiraan”ayuu yidhi Cukuse.
Ka sakow heshiiskan nabadeed ee aan midhihiisa la ogeyn, xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxay heshiis kan la mid ah la gashay 26-kii October 2011-kii Kayse Cabdi Yuusuf oo ahaa ka mid ahaa saraakiisha Maleeshiyaadka saqiiray ee SSC, kaasi oo soo dhawayntiisa xukuumaddu wax badan ku bixisay.
Kayse Cabdi Yuusuf oo soo dhawaynta xukuumaddu u samaysay ay ka mid ahayd furitaankii urur siyaasadeedkii uu guddoomiyaha ka noqday ee SSCD, ayaa nuxurka heshiiska lala galay ahaa inuu door ku yeesho dedaalada nabad raadineed ee Sool iyo Buuhoodle, balse Kayse heshiiskaasi uu ku helay adduunka badan isla-markaana fursada u siiyay inuu fagaraarayaasha siyaasada Somaliland isa soo taago waxba kama soo qaadin, hal maalina dib uguma noqon dhulkii uu hore uga yimid si uu dadkii nabada ugu waaniyo, iyadda oo markii xukuumaddu aragtay fadhiidnimadiisa ay albaabada ka xidhatay, taasi oo keentay in ururkii loo furay hadho.
 
Kayse Cabdi Yuusuf ayaa tan iyo markii ururkiisii hadhay aan dib loogu arag fagaarayaasha, iyadda oo aan laga war haynin halka uu ku sugan yahay. Inkasta oo ay Ilo wareedyo Waaheen wax ka weydiisay sheegeen inuu Hargeysa ku sugan yahay.
Kayse Cabdi Yuusuf iyo Saleebaan Ciise (Xaglo-toosiye) oo ah laba nin oo tolkood hore u dayriyeen ayaa heshiisyada lacagaha badan ku baxayaan ee xukuumadda la galayso, waxa ka haboonaa in xukuumadda ku dedaasho inay heshiis la gasho dadka wax ka go’aan ee Sool iyo Buuhoodle haddii kharash ku baxayo iyo haddii kaleba.