Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madaxweyne C/ Raxman Faroole Oo Wax Ka Iftiimiyey Sheekada Shiikh Shariif Iyo Axmed Siilaanyo

Saturday - June 30, 2012

Waraysi uu Madaxweyne Faroole uu siiyey laanta Afka Somaliga ee BBCda, ayaa waxa uu ku muujiyey in mad-daw badani kaga jiro waxa ay ku shireen, oo uu ku tilmaanay in aanu Sh. Sharif hore ula socodsiin sida uu wax u doonayo.

Waxana uu taabtay mar hore oo uu Nairobi kula kulmay Sh. Sharif oo uu Sheekhu u sheegay in ay Dubai ku kulmi doonaan Ahmed Siilaanyo, laakiin waxa uu Faroole yiri, ‘waxa meesha lagaga wada hadlay iyo waxa Sheekhu ii sheegay isma waafaqsana, waxanan u malaynayaa in uu Sheekhu doorashada daraaddeed u xod xodanaayey Ahmed Siilaanyo, sidoo kale Ahmedna uu gooni isku taagga ay Somaliland doonayso uu sheekha ka dhawrayo. Taasina wa iska…muruqa laba suul ninba si ….

Waa run oo doorashada marka la gelayo, waxa loo dhaqaaqaa dhinacyo badan, oo dawladaha qarbiga ee doorashooyinka aadka ugu tartamaa, waxa ay sheegaan beeno badan amma waxa ay cayaaraan xeelado badan oo ay dadka ku xod xodanayaan. Dadkuna waxa ay u habradaan rabitaankooda xilligaa jira. Sidaasi daraaddeed, way jirtaa in Sh. Sharif uu doorasho adag u diyaar garoobayo,isla markaana taageero ka doonayo Somaliland dadkeeda waxana uu ciyaarayaa kaarar nooc walba leh.

Sidoo kale Ahmed Siilaanyo waxa ay madaxnimadiisii ku soo aadday, mar ay beesha caalamku u soo jeedsatay wax ka qabashada arrimaha Somalida. Dabadana laga riixayo maamulka gacan ku rimiska ah ee Somaliya, Laakiin sida ay shacabka Somaliland moodayaan aanay wax u socon, ta ay ugu jecel yihiin oo ah madaxbannaaniduna maaha mid shirka ay Somaliya la galayso la hor keeni doono.

Dawladda Ahmed Siilaanyana sida ay wax u waddaa waa si farsamadeeda ay wax badani u dhiman yihiin. Waase bilow. Faa’iido iyo khasaare midka ay noqotabana waxa lagu guda jiraa, hawl mug leh, oo u baahan midnimo, dhaqaale iyo xeelado u baahan.

Laakiin inta farqi ka jiro Somaliland dhexdeeda ee la kala cabanayo amma  caddaaladda la dhalliilayo, waxa ay u eg tahay in aanay guuli dhaweyn fashil weynina uu jidka ku soo jiro. Dad badanina waxa ay Siilaanyo kula taliyaan in uu horta beelaha Somaliland wada sheegta uu qanciyo kaddibna iyaga oo aan cidna la khasbin amma aan magacooda la isticmaalin ay hawl wada jir ah ka galaan wada hadallada lala gelayo Koonfurta Somaliya. Balse haddii ay dawladdii dhinac ka raran tahay, Mujaahidkiina uu si gaar u tilmaaman yahay amma weli la isugu faanayo Jabhadnimadii siddeetanaadkii shacabku is dilayeen, waxa aan saaxadda ka maqnaanayn in masiirka Somaliland albaabka dhaafi waayo.