Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Diin-Diinki Aduunka Ugu Cimriga Dheeraa Oo Ku Xijaabtay Jasiirada Pinta Iyo Xabaashiisa O Si Weyn ..

Thursday - June 28, 2012

Pinta- Saxaafada caalamka ayaa maalmahan si weyn  uga hadlaysay wararka ku  saabsan geerida Diinkii aduunka uga cimriga dheeraa oo dhawaan  ku geeriyooday jasiirada Pinta Islands oo ku dhaw dalka Ecuador.

Diintkan oo ay khuburada xayawaanku daÂ’adiisa ku sheegeen100 sanno jir, ayaa lagu magacaabi jiray Lonesome George , isaga oo ka mid ahaa mucjisooyinka aduunka ku nool, waxaana uu u noolaa sida dadka oo kale , iyada oo lagu xanaanayn jiray beer xayawaan oo ay sannadkasta u dalxiis tagi jireen boqolaal qof oo isaga kala yimid caalamka.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Maraykanka ee AP waxa geerida Lonesome George ka naxay saynisyahano badan  oo ku tilmaamay arrin caqabad ku noqotay raad-raad lagu samaynayay nolosha  Diinkan oo ay ahayd mid layaab leh.

 Diinkan ayaa la filayaa in maydkiisa la maamuusi doono , iyada oo dad badan  ay xusuusan doonaan,maalmihii noloshiisa  oo ahaa qaar xiiso leh.
                                                              Galdogob Times News Desk