Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Dawlada Israaiil Oo Ka Hadashay Guusha U Doorashada Ku Gaaray AKhwaanka Maxamed Mursi

Wednesday - June 27, 2012

Qaahira: Sida la ogyahay Wejigi labaad ee doorashada oo ay isugu soo hareen murrashaxa Ikhwaan al-muslimiinka iyo ra’iisal-wasaarihii u dambeeyey dawladdii Xusni Mubarak, taas oo ay codeeyeen 26 milyan oo qof ayaa Maxamed Morsi uu ka helay 13.2 milyan oo codadkii la tiriyey, una dhiganta 51% dadkii codkooda dhiibtay, halka murrashaxa la tartamayey Axmed Shafiq uu ka helay 12.3 milyan codadkii la bixiyey. Waxa kale oo Guddoomiyaha Guddiga Doorashadu sheegay in codadka xumaaday ee aan la tiring yihiin in ka badan 800,000.

Dhinaca kale, markii dhawaaqa natiijadu soo baxay ayaa waxa isqabsaday dabaaldegyo waaweyn oo lagu soo dhaweynayey guusha uu soo hooyey murrashaxa Ikhwaan al-muslimiin, iyadoo kumanaan qof oo ku sugnaa fagaaraha Taxriir oo shaashado waaweyn ka daawanayey shaacinta natiijada mar qura isla kaceen markii ay maqleen in Morsi noqday madaxweynahooda. Sidoo kale, Hoggaamiyaha millateriga Maxamed Dandaawi ayaa u hambalyeeyey Maxamed Morsi kursiga madaxweynimo ee uu ku fadhiistay.

Madaxweynenimada loo doortay Maxamed Morsi oo noqonaya kii u horreeyey ee si dimuqraadi ah loo soo doortay ayaa la garanaynin halka ay gaadhi doonto hoggaamintiisa iyo awooddiisuba, kadib markii golaha Millateriga ee talada hayaa kala diray Baarlamankii dhawaan la doortay oo aqlabiyadiisa uu lahaa ururka Ikhwaan al-muslimiin ee talada ku guulaystay, isla markaana la dhimay awoodihii Madaxweynuhu lahaa.

Geesta kale, dawladda Israa’iil ee jaarka la ah Masar, colaadda weynina ka dhaxayso dawladaha carabta ayaa ka hadashay guusha uu doorashada ka gaaray murrashaxii Ikhwaan al-muslimiin Maxamed Morsi.

War kooban oo uu soo saaray Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Binyamin Netanyahu, waxa uu ku sheegay inay ixtiraamayaan doorashada reer Masar, “Waxaannu ixtiraamaynaa natiijada doorashada. Waxaannuna rajaynaynaa in ay sii socoto wada shaqayntii aannu la lahayn maamulka Masar,” ayuu yiri Binyamin Netanyahu.
                         
                                                                  Galdogob Times News Desk