Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xubnaha Golaha Wasiirada KMG Oo Ansixiyey Gudi Farsamo Oo Ka Kooban 27 Xubnood

Tuesday - June 26, 2012

Muqdisho (RH) Kulan ay shalay galab ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayay ra’iisal wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu ansixiyay guddiga farsamada ee soo xulayo ergada ansixinta dastuurka qabyada ah.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka xubnaha golaha wasiirrada oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray xafiiska wararka Radi Hormuud uu lee yahay caasimada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dood iyo falanqeyn dheer kaddib la meelmariyay guddiga farsamada oo ka kooban 27 xubnood, kuwaasoo ka soo shaqeyn doono fududeynta soo xulidda ergada ansixineysa dastuurka cusub.

Ugu horreyntii golaha waxaa Ra’iisul Wasaare Dr. Cabid weli Maxamed Cali Gaas uga war bixiyey shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka kaas oo kadhacay magaalada Nairobi 20-22 bishan, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid taariikhiya oo u soo hoyotay ummadda Soomaaliyeed waxaana laga gaaray is afgarad nuqulkii ugu danbeeyey Dastuurka qabyo qoraalka ah.

Waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaysatay Wasiirka Dastuurka iyo Dib-uheshiisiinta Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaana uu sheegay wasiirku in ummadda Soomaaliyeed ay maanta haysato Dastuur loona soo bandhigayo wakhti aan fogayn.

Waxaa kale oo warbixin goluhu kadhagaysatay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashandhiga waxaana uu sheegay wasiirku in ciidanka qaranku ay horumaro  la taaban karo ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka, sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in wasaaradu ay waday maalmihii lasoo dhaafay bixiinta mushaaradka ciidanka qaranka.

Dood iyo falaqan badan kadib goluhu wuxuu isku raacay qodobadaan soo socda .. Golaha Wasiirada wuxuu soo dhaweynayaa in ay dhamaatay shaqadii gudiga madaxa banaan ee dastuurka sida ku xusan go’andii kasoo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka dhacay magaalada Nairobi 20-22 June. 2012

- Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka 12, July, 2012

- In shacabka loo soo bandhigayo Dastuurka 24 saac oo soo socoda iyadoo loo sii marsiinayo qaybaha kala duwan ee warbaahinta

Magacyada Gudiga Farsamada

1.     Bashir Warsame Jama

2.     Engineer Abdirahman Mohamed Osman

3.     Halima Ismail Ibrahim

4.     Mohamed Ali Hayle

5.     Fowsia Abikar Nur

6.     Dahir Warsame

7.     Jama Salad Mohamed

8.     Sadiq Abshir Garad

9.     Fadumo Jama Jibril

10.  Faisa Mohamed Layli

11.  Professor Abdullahi Hassan Hussein

12.   Dr. Yasin Salah Ali

13.  Dayib Mohamed Ali

14.  Abdirizak Ahmed Farah

15.  Showqi  Ahmed Hussein

16.  Hamad Hagi Ali  Hassan

17.  Hassan Ahmed Ibrahim

18. Abdiwahid Sheikh Osman

19.  Salim Ma’ow Hagi

20.  Abdulle Ahmed Yusuf

21. Abshir Warsame Jama

22.  Professor Abdullahi Osman Hiireg

23.    Engineer Salah Sheekh Osman

24.    Mohamed Aden Ibrahim (Fargeto)

25.    Qasim Iidow Ibrahim

26.   Sheikh Qasim Ibrahim

27.  Halima Omar Ahmed