Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maxamed Morsi Oo Noqday M/weynaha Masar Iyo Haraadigi Mubaark Oo Xabsiyada Ay Ku Jiraan Ku Baroortay

Monday - June 25, 2012

Qaahira:Siyaasiga Maxamed Morsi ee ka tirsan xisbiga Islaamiga ah ee Ikhwaanu Muslimuun ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka Masar oo gole milatari oo KMG ah ay halkaas ka talineysay wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore Xusni Mubaarak.

Ka Dib Buuq iyo dacwado badan oo ka dhashay daldaloollo la sheegay iney ka dhaceen doorashadi 16-17ka oo labada musharax isku eedeyeen ayaa ugu dambeyn guddiga doorashada ee dalka Masar u ku dhawaaqay in Maxamed Morsi uu helay in ka badan 13 milyan oo cod oo ka tirsan 26-ka milyan ee Masaarida codkooda dhiibatay, taas oo u dhiganta 51 boqolkiiba, halka ninka la tartamayay Axmed Shafiiq oo ra’iisul wasaare ka ahaa xukuumaddii Xusni Mubaarak uu helay in ka badan 12 milyan oo cod .. Guddiga doorashada waxay sheegeen in 800 oo kun oo ka tirsan codadka dadka in cillado loo joojiyay.

Waxaana Labada musharrax ayaa mid kastaba waxa uu sheegay inuu ku guuleystay xilka ka hor ku dhawaaqista natiijada ee guddiga doorashada Masar iyado mas’uuliyiinta Masar ay heegan ku jirtay ka hor ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxtinimada, waxaana cabsiga ugu weyn ay aheyd in uu guuleysto Axmed Shafiiq, taasoo laga walwalsanaa inay rabshad ka dhalato sido kale waxaa la sheegay in marki lagu dhawaaqay guusha madaxtinimada Maxamed Mursi ay xuq iyo xanuun ku noqotay haraagiyadi madaxweyne Xusni Mubaarak oo iminka xabsiyada kala duwan ee masaarida liin kharaar ku cabaaya, waxaana si gaara loo xusay in labadi wiil ee u dhalay xusni Mubaarak waa jaamal iyo cala  ay oohin iyo baroor ku waasheen odagina caafimaadkiisa si darsaday.