Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Tacsi U Socota Qoyski Hooyo Xaawo Kaaho Warsame Oo Maanta Duug Lagu Hubsaday

Saturday - June 23, 2012

Haddi Mawdku Ruux deynaayo oo dunidu waareyso ambiyada nalo soo diray lagama dileen .. waxaa amar alle maanta duugna lagu hubsaday hooyo Xawo Kaaho Warsame oo inti mudo ahaba xanuun waayeelnimo la daala dhaceysay.

Hooyo Xaawo Kaaho oo ku geeriyootay magaalada  Minneapolis-MN, waxay ku caan ahayd dun wanaag, dulqaad, samir iyo taarikhiyan daryeelka ubad aan tiro yareyn oo uga tagay Marxuum Suldaan Xaaji Maxamuud Cilmi oo caalamka halyey ka noqotay , hooyo waxay maanta u hooyatay gurgeedi runta ahaa, Sidaa daraadeed Qoyska reer Maxamed Calixaashi Maxamuud Cadaawe iyo Gaar ahaan reer Cadaawe iyo General Saacid Daahir Saciid, Aamino Saacid Daahir iyo dhamaan ilmo Xaashi Dhoore oo ay ugu horeyso Siraad Xaashi Dhoore waxay hawada tacsi u mrinayaan Suldaan Xasan Xaaji Maxamuud Cilmi , Cabdullaahi Xaaji Maxamuud Cilmi iyo dhamaan qoyskii reer Xaaji Maxamuud Cilmi, qaraabadi ,eheladi iyo sokeeyihi intaba ay marxuumada Xaawo Kaaho ka baxday, waxayna u rajeynayaan in allaha weyn u siiyo naxariistiisi jano fardoosana ka waraabiyo