Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Axmed M. Qaybe Oo Xog-Waran Ka Bixiyey Siyaad Bare

Friday - June 22, 2012

Geeska: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), xog waranka ku saabsan taariikhdii Somaliya ee uu siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu maanta ku soo qaadanayaa shakhsiyadii Maxamed Siyaad Barre iyo shilkii Baabuur ee uu galay. Waxaanu yiri 
“Siyaad Bare waxa uu ahaa nin fariid ah oo feejigan, ninka dhawr casho uu arki waayo ee madax ah waxa uu odhan jiray xagee buu jiraa ee uu ku maqan yahay. Markaas anigu markaan Xamar joogay iyo markaan imaadaba saddex afar casho markaan ka maqnaado intaan tago meesha ( Madaxtooyada ) isagii oo soo fadhiya ayaan is tusi jiray, markaasan iska noqon jiray marka uu madax luxo.
Markii uu galay shilka baabuurka waxa aan shaqaynaayay ilaa afartii habeenimo, waxaan la hadlay Madaxweynihii hore ee Kenya Mr. Daniel Arab Moi, waxa uu soo diray toddaba dhakhtar oo milatariya aadna u qalabaysana, waxaan la hadlay boqorkii Sucuudiga Fahad oo waxa uu soo diray diyaarad cusbitaal ah dhan ah, labadiiba waa ay yimaadeen, ta Kenya ayaa soo horaysay oo waxaanu niri yaanay is arkine makhaayada Maka Al-mukarama ka quraaciya oo deedna soo wareejiya intay  kuwani  ka tagayaan cisbitaalka, diyaaradii Sucuudiga ayaana qaaday, markii aan saarnayba ogsajiintiibaa loo galiyay oo waa uu soo miyirsaday, laakiin waa uu dhiman gaadhay. Intii  ka danbaysay shilkaas feejignaantii iyo waxiiba waa ay ka ba’een oo qoyskiisii ayaa xukunkiiba la wareegay, waxii ay yiraahdaan baanu yeelayay.”
Axmed Maxamed Qaybe, isagoo ka hadlaya sida uu Maxamed Siyaad Barre ula hadli jiray dawladaha dunida wuxuu yiri “Horta Af Talyaani ayuu ku hadli jiray, laakiin dawladaha kale anigaa uga turjumaani jiray af Ingiriisiga, Af talyaanigana aad iyo aad ayuu ugu hadli jiray, inkasta oo uu Ingiriisigaba xooga wax ka yaqaanay.