Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shirki Ka Socday London Ee dhinacyada Somaalida Oo Maanta Ku Dhamaaday Muran Iyo Yooyootan

Thursday - June 21, 2012

London – Wafdiyadii wasiirrada ahaa ee kala matilayey labada garab ee dawladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa waxa loo qabtay dood, ay qola walliba ku sheeganaysey bareereheeda. Waxana madashii shirka ay qolo walliba ka hadashay muddo kooban, iyada oo doodda ay qolo walliba ku soo noqnoqneysay.

Laakiin waxa wararka shirka ku dhaw dhawi sheegayaan in yoo-yootan badani dhex socday kooxaha kala matilaya labada garab, iyaga oo aan wax macno u sameeya beesha caalamka la hor iman.

Barri ayaa mar kale loo ballamay in ay haddana goroda is daraan, waxana laga doodi doonaa, qodobbo muhiim ah oo u badan sidii ay labada dhinac xilligan u wada dhisan lahaayeen dawlad wadaag ah. Laakiin dib loo dhigi doono in arrimo kale lagaga hadlo. Taasina may qancin wafdiga Somaliland.

Warar hoosena waxa ay sheegayaan, in dawladda Ingiriisku ay Somaliland u aragto maamul doc u badan, oo aanay beelaha woqooyigu si dheelli-tiran u wadaagin maamulka ka jira , isla markaana aanay dad badani caddaaladda ka cabanayaan. Waxa kale oo ay Ingiriisku muddaba hoosta ka wadeen xog ururinta beelaha diiddan goosashada, oo ku cawda in aanay Somaliland u dhisnayn si caddaalad ah iyo wax la mid ah ..Isku soo wada duub oo waxa aan shaki ku jirin waa sida la yiriye in ay maamulka Somaliland maanta dhex fariisatay shillalkii lagu gawrici lahaa