Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Shirka London Dhinacyada Somaali Loogu Qabanaayo Maxaa Ka Soo Baxaya

Wednesday - June 20, 2012

London – Wararka laga soo xiganaayo london ayaa sheegaya in shir albaabadu u xiran yihiin u goor dhow ka furmi doona london, waxaa shirka ku kulmi-doona labada dhinac ee dawladda Somaliya iyo maamulka Somaliland xubno ka socda. Sida la sheegayona waxa saaka soo gaaray London wafdigii Somaliland ee ku hakaday Addis Ababa oo halkaas la tashi ku sameynaya. Dhinaca Dawladda Sh. Sharifna waxa wafdigoodii London ay soo gaareen saqdii dhexe ee xalay.

Taageerayaasha labada dhinac ayaa kala sheegaya warar kala geddisan, lamana hubo waxa ka soo bixi doona shirkan. Sidoo kale lama oga Ajandaha shirka. Kulankanina waxa uu hor dhac u yahay shir ay fool ka fool isaga hor iman doonaan Labada hoggaamiye ee shiikh Shariif iyo Axmed Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa Somaliland ay xiisaynaysaa in ay walaalahooda Somaliyeed u oggolaadaan amma siiyaan xornimo taam ah oo ay ku noqdaan labada dal oo daris ah, hasa ahaate Somaliyada oo aan kala go’a oggolayna waxa ay leeyihiin Somaliland waxa aan ku soo dhaweynaynaa wada hadal iyo wax wada qaybsi caddaalad ah, oo aan midnimadii Somaliyeed ku xoojinno.

Laakiin lama garanayo in dawladda Ingiriisku ay go’aansatay in ay dib u kala rarto labada gobol ee hore 1960kii u midoobay. Iyo in ay Somaliland ku khasbayso in ay dawladda Somaliyeed ee August la dhisi doono ay ka qayb gasho.