Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xog-Waran U Bixiyey Axmed Qaybe Kuna Cadeeyey Sida X.Mingiste Ugu Dooday Degmada Galdogob

Monday - June 18, 2012

Hargeysa :Waa xog-waran u bixiyey Axmed Maxamed Qaybe, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay in sannadkii 1988 oo ay qarxeen dagaaladii ka dhex qarxay xoogagii SNM iyo Siyaad Barre, hayay xilka xoghayaha joogtada ah ee wasaaradii arrimaha dibadda ee Somaliya, waxaanu ahaa turjumaankii u kala af celinayay Maxamed Siyaad Barre iyo mingiste Xayla Maryan.
Oday Qaybe, wuxuu sheegay inuu Maxamed Siyaad Barre naxay markii ay xoogagii SNM soo galeen Hargeysa iyo Burco, isagoo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yiri  “Waxaan ahaa xoghayaha joogtada ah ee arimaha dibada, xiligaas wuu naxay, waayo  waatii aan Mingiste ku soo heshiinay Jabuuti, anigaa u kala turjumaayay labadooda, guddi laba geesood ah ayaa la saaray balse waa lays mari waayay.
Sannadkii 1988 bishii 4-aad, ayaa waxaanu tagnay Jabuuti waana laysmari waayay waxaana la yiri gudidu wada hadalka ha sii waddo.
Markii uu naga noqday Mingiste waxa uu u baahday 80’000 oo ciidan ah oo ka joogay Ogaadeeniya, waayo Ereteriya  ayaa  xoog dhulkii oo dhan lagaga qabsaday, waxaanu Muqdisho u soo diray wasiirkiisa arimaha dibda Mr. Barhano Baye oo uu yiri waa in arintii la sii wadaa, waanan aqbalnay oo Xamar ayay noogu yimaadeen, arintii waa aanu la wadnay, markaasna wasaarada arimaha dibadu ma lahayn wasiire odaygaa sii hayay ( Siyaad Bare ).
 
Wax walba waa ay aqbaleen oo aan ahayn inay dhulkii Somalida noo celiyaan, Goldogob iyo Balanbale oo ay ku doodayeen lahaanshahooda waa ay yeeleen, waxaanay yiraahdeen adduunkaanu ku shaacinay inaan anagu leenahay, haddii aan ku darno heshiiskan aan saxeexayno adduunkaa nala yaabaya oo ceebay noqonaysaa, mid hoose aan galno oo aan idiin celino meesha, markaas sidaas ayaanu ku heshiinay.
 
Mingiste markii uu noqday waxa uu ku yiri SNM anagu waanu soo heshiinay Somaliya, saddex arin idinkaa kala dooranaya oo kala ah, ninkii dhoofayaa ha dhoofo, ninkii dhulkan joogayaana isaga oo qaaliya oo si nabada ha ku joogo, ninkii doonaya inuu Somaliya la hadlana waxa aan kala hadlayaa Siyaad Bare inuu cafiyo ee Somaliya ku noqda.  Waa kuwii  [SNM] yiri shidaal na siiya aan ku soo guurno, shidaalkii ayuu ku soo galay Burco Axmed Mire, 31-kiina waxa soo galay Hargaysa ina Biixi, waa tii markii dambe Hargeysa diyaaradaha lala dhacay, ee uu dadkii ka qaxay.” La soco cacdadka Salaasada iyo sida uu noqday dareenkii Maxamed Siyaad Barre markii isagoo marti u ahaa boqorkii Itoobiya Mingiste Xaylamaryam kuna sugnaa magaalada Soddore ee Itoobiya  uu Maxamed Cali Samatar, ku soo wargeliyay inay SNM gashay Hargeysa iyo Burco   ….    Xigasho Geeska Afrika