Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Wadaadkii Seef Laboodka Shiikh Daahir Aweys Oo Isa Soo Dhibistiisa La Beeniyey

Monday - June 4, 2012

Muqdisho- Warar aan ka xiganay hay'adaha amniga ayaa si qayaxaan u beeniyey in Shiikh Daahir Aweys isa soo dhiibay, waxaana la sheegay iney warkaas wad-wadaan shakhsiyaad ujeedo iyo dano ka lahaa oo loo maleynaayo iney dhinaca shiikh Shariif ugu xod-xodayaan doorashada soo socota si loo yiraahdo waa kaas Shiikh Shariif ka takhalusay mucaaradkii Shabaab ee ka soo horjeeday.
 
Dhinaca kale inta badan Goboladda Somaliya ee koonfurta iyo Bartamaha ayaa laga sifeeyay xogaaga Al-shabaab ee dagaalka kula jiray dawlada, kuwaasoo lagu soo waramayo inay ku sii hadheen deegaano kooban oo kaliya, hase ahaatee lagala wareegay meelihii ay awooda ugu badan ku lahaayeen ee dalkaasi.

Guulaha laga Gaaray Ururka Al-shabaab ee lagagala wareegay deegaamadii ay ka talin jireen ayaa ka dambeeyay hawl-galo isdaba joog ahaa oo lagu waajahay Fadhiisimadii ururkaasi, hawl-galadaasoo ahaa weeraro wajiyo badan kaga yimi oo ay ku qaadeen Ciidamada Huwanta ah ee DKM, kuwa Amisom iyo maleeshiyaadka Urur diineedka Ehlu suna wal-jameeca, kuwaasoo ilaa hada ku sii siqaya meelaha ay al-shabaab ku sii sugantahay.

Hawl-galada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab hadii ay sidaasi ku sii socdaan waxa muuqata in dhawaan laga faraxalanayo Dagaaladii ay mudada dheer kula jireen Ciidamada Dawlada taageersan ee Ajaanibka ah iyo kuwa Maxaliga ahba, taasoo guul wax ku ool ah u noqoqnaysa shacbiga somaliyeed ee 21-kii sanadood ee la soo dhaafay weheshanayay Dagaaladia Ehliga iyo aragtiyaha siyaasadeed ku salaysnaa ee dalkaasi ka jiray.

Hadiise sida wax u socdaan ay habacsanaan kale soo waajahdo, waxa iman karta guul daro dambe oo ku dhacda xogaaga hawl-galka ka wada somaliya iyo ciidamada DKM , kuwaasoo dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay gaaray guulo wax ku oola, balse aanay wali fari ka qodnayn shaqadii loogu talo galay inay fuliyaan oo ah inay nabad iyo kala dambeyn waarta ku soo celiyaan gobolada Somaliya 21 sandood ka dib.

Goboladda intoodii badnayd laga qabsaday Ururka al-shabaab waxa ka mida Gobolka Banaadir, Geddo, Sh/ dhexe, Bay, Bakool , jubbadda hoose iyo meelo kale oo ka mida Goboladda koonfurta, kuwaasoo qaarkood ay iskaga carareen Xoogaga al-shabaab ka dib markii lagu ekeeyay awood ciidan oo ka itaal roon, waxaanay door bideen inay iskaga baxaan Meel kasta oo loogu yimaado, isla markaana ka baxsadaan khasaare dagaal oo ciidan kaga dhinto.

Ka sakow Baxsashada Ururka Al-shabaab, waxa soo baxday in Askartoodii ay hada bilaabeen inay isu soo dhiibaan Ciidamada Dawlada ku meel gaarka ah ee Somaliya, kuwaasoo ay shalay u soo galeen rag ka tirsanaa dagaalyahanada Ururka al-shabaab oo wata Qoryihii ay ku dagaalamayeen iyo Gaadiid Dagaal.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Aadan Xersi Rufle, kaasoo cadeeyay in dagaalyahanada ka soo goostay Al-shabaab oo gaaraya ilaa shan nin oo watay qoro gacmeedyo iyo gaari Cabdi Bile ah oo uu saaran yahay qori weyn oo dhasiike ah, gacantooda ku jiraan.

“Raggaas ka soo goostay Al-shabaab waxay ka soo baxeen degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose waxay soo mareen meelo badan sida Diinsoor, iyo meel u dhexeysa Buur dhuubo iyo Baardhere Garbaharey ayey yimaadeen ka dibna Belad xaawo ayaa loo gudbiyey” ayuu yidhi Aadan Xersi Rufle.